Dowlada Japan oo safiir u soo magacawdey dalka Soomaaliya
February 21, 2013 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka cusub ay dowladda Japan u soo magaacwday Soomaaliya
Kadib markii uu ka gudoomay waraqadaha shaqadda ayuu Madaxweynaha sheegay in dowladda Japan ay ka mid tahay dowladdaha Soomaaliya toos ula xariira. Japan ayaa waxaa ay Soomaaliya ku bixisay ilaa qarash dhan $200milyan si Soomaaliya nabadda dib loogu soo celiyo.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha sheegay in dalal gaaraya 20dal ay Soomaaliya u soo magacabeen Safiiro, kuwa kalena ay soo magacaabi doonaan. Taasna waxa keenay horumarka xagga amniga ay ka gaareen dhamaan ciidamadda qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Villa, Somalia, Muqdisho