Ganacsade Aadan Sheekh Muuse Cali oo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo
February 14, 2013 - Written byKismaayo:-Laba dhalinyaro oo hubaysan oo aan ilaa haatan la aqoon heybtooda ayaa xalay ku dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose alaha u naxariistee Aadan Sheekh Muuse Cali (Axmed Sandheere )oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo .
Halgan.net oo xiriir kala duwan la sameysay magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo xaqiijiyey in alaha u naxariistee la dilay Axmed Sandheere xili uu salaadii maqrib uu soo tukaday kuna sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Farjano.
Dilka Marxuum Axmed Sandheere ayaa waxaa fuliyey labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado iyaga oo goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen .
Taliyaha ammaanka ee magaalada Kismaayo Sheekh Maxamuud Qaali ayaa sheegay in ciidankooda wadaan baaritaano si loo aqoonsado cida ka danbeysa dilka Marxuum Axmed Sandheere.
Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa DFS ayaa saaka howlgalo ka wada gudaha magaalada Kismaayo iyaga oo gudaha u galay xaafada Farjanno oo uu xalay ka dhacay dilka.Ilaa haatan ma jiraan cid loo soo qabtay dilka Marxuum Axmed Sandheere.
Cabdi Yare
Halgan.net