Guddiga Baarista madaxa banaan ee dilkii Dr. Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan oo Tacsi diray
February 16, 2013 - Written by
Guddigu Wax uu Ilaahay uga mahdinayaa inuu gacanta ku jiro dhagarqabihii dilay Sheekha, Dhagarqabe Cabdiraxmaan Xusseen Jaamac Bile xogta ilaa hadda Guddigu uu xaqiijiyay waxay tibaaxaysaa Dhagarqabuhu inuu ka tirsanyahay Amniyaatka Ururka Al-shabaab. Guddigu wuxuu umadda Soomaaliyeed u ballan qaadayaan inay umadda Soomaaliyeed u soo bandhigi doonaan natiijada baaritaan qotto dheer oo ay ku sameyn doonaan kooxdii iyo ururka ka dambeeyay dilka Sheekha Allaha u naxariistee. Guddigu wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu bishaaray nayaa in dilka sheekhu uu noqon doono (Ilaahay Idamkii) dhamaadkii kooxdan caadeysatay Dilka culimada iyo in dheergaradka umadda.
Guddigu wuxuu ka codsanaya bulshada soomaaliyeed wixii xog dheeraad ah ee ay ka hayaan kooxdan inay ku soo aadiyaan cinwaankan:
Guddiga Baarista madaxabanaan ee dilka Culimada.
Puntland, Somalia
![]() |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
2 Comments so far
Leave a comment
asc umada soomaliyed horta Ilahey aya mahad iskaleh an culimada dhiigooda beylah kadhigin ugu yaran waxa lahayaa kuwi dilay marke waxan leeyahay umadu haisdifaacdo gumeysiba wan soomarnee natiijadane anagaa iska leh insha allah
Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariisto oo janadii fardowsa ka waraabiyo wuxuu ku khaatumeystey kheyr insha Allaah Allaha janada ugu bishaareeyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka dhintey ALLAH samir iyo iimaan haka siiyo. Intaas kadib waxaan guddiga baaritaanka ka codsanaa inay la kaashadaan baaritaankooda Khubaro caalami ah oo wadamada islaamka uga yeertaan dad aqoon sare u leh baaritaanada si loo ogaado qaabka ay nimanka Sheeqa dilay u shaqeeyaan oo dilalka u qorsheeyaan oo ay usoo abaabulaan. Ilaahay howsha aad islaamka u heysaan ha idinku kaalmeeyo. Wabilaahi Towfiiq. Cabdala Aadan Xasan , Stockholm, Sweden