Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka DFS Prof.Jawaari oo la kulmay Dhiggiisa dalka Itoobiya
February 14, 2013 - Written byAdis-Ababa:-Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Prof.Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu maanta kulan gaar ah la yeeshay Dhiggiisa dalka Itoobiya Abdula Gemeda iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee dowllada Itoobiya.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo wafdiga la socda ayaa markii ay shalay gaareen caasimada dalka Itoobiya Adis-Ababa waxaa la dejiyey Hotelka Hilton halkaas oo ay kulamo gaar gaar ah kula yeeshay xubno ka tirsan dowllada Itoobiya.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa shalay markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Boli International Airport waxaa si weyn u soo dhaweeyey Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abdula Gemeda iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada dalka Soomaaliya ku leedahay dalka Itoobiya.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowllada Federaalka Soomaaliya Prof.Jawaari ayaa la sheegayaa in dowllada itoobiya uu kala hadlay khilaafka ka taagan maamul u samaynta Gobolka Bay iyo Jubooyinka iyo qaabka ugu sahlan ee maamulo loogu samayn karo Gobollada ay qabsadeen ciidamada Kenya , Itoobiya oo gacan ka hellay ciidamo Soomaali ah.
A/cawaale
Halgan.net