Halgamaa Ladane oo ka mid ahaan jiray Ururkii SYL oo ku geeriyooday degmada Carmo
February 13, 2013 - Written byCarmo:-Halgamaa Maxamed Saalax Ladane oo ahaan jiray xoghayihii ururkii SYL ayaa saaka ku geeriyooday degmada Carmo ee gobolka Bari. Alaha u naxariistee halgamaa Ladane waxaa uu kaalin weyn ka soo qaatay gobanimadonkii dalka waxaana uu ahaa xoghayaha ururkii SYL.
Marxuumka Halgamaa Maxamed Saalax Ladane ayaa ku dhashay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose sanadkii 1914-kii.waxaana uu ifka kaga tagay 10 caruura oo isugu jira 7-gabdhood iyo 3-wiil, waxaana uu deganaa Degmada Carmo gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa maanta tacsi u direy eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alaha u naxariistee Ladane Saalax oo ka mida ahaa Halgamayaashii Xoriyada Somalia waxaana uu yiri ”Aniga oo ku hadlaya Afkayga ,kan dowladda iyo shacabka reer Puntland waxaan halkan uga tacsiyeynayaa intii uu ka tagay Marxuum Ladane Saalax oo ahaa halgamaa Soomaliyeed”
Madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuumka Ladane in uu Jandiisa Fardowso ka waraabiyo samir iyo imaan ka siiyo eheladiisa.
M_M Deeq
Halgan.net