Wariye C/casiis Koronto & Haweeneydii sheegtay in la kufsaday oo la xukumay

February 5, 2013 - Written by

korontoMuqdisho:-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa  maanta xukun ku riday Haweeneydii sheegtay in ay kufsadeen ciidamo ka tirsan DFS  iyo Wariye C/casiis Koronto waxaana lagu xumay min hal sano oo xabsi ah .

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa ku eedeysay  Luul Cali Xasan in ay been iyo aflagaado u geysatay ciidanka DFS ka dib markii ay sheegtay in ay 7 askari oo ka tirsan DFS ay kufsadeen.

Wariye Cabdicasiis Koronto ayaa waxaa isana lagu eedeeyey in uu been ka faafiyey ciidanka DFS ka dib markii uu ku booriyey Luul Cali Xasan in ay sheegto in la kufsaday ka dibna uu wareysi ka qaaday.

Suxufiyiin Somaaliyeed oo ku sugneyd maanta Maxkamada gobalka Banaadir ayaa aad uga carooday go’aanka ay gaartay maxkamadda gobalka Banaadir waxayna sheegeen in kiista Luul iyo Wariye C/Casiis Koronto la siyaasadeeyey .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online