Imam Sh.Maxamed Khadar iyo culimadii la xirnayd oo maxkamadoodii ay bilaabatay
February 9, 2013 - Written bySida aad lawada socoteen walaalayaal waxaa in mudo ah ku xirnaa wadanka Maraykanka gaar ahaan gobalka Calafornia magaalada Sandeigo Culimo uu ka mid yahay,Imaamkii masaajidka Al-ansaar ee magaalada Sandiego Sh.Maxamed Khadar. Culimadaas horay ayaan idin kugu soo bandhigay,wax yaabihii lagu soo eedeeyay,marar badana waxaa dib loo dhigayay,maxkamad in la soo taago,waxaana sababayay,qolyaha soo eedeeyay oo mar walba codsanayey in wax loogu daro waqtiga taas oo ku tusinaysay inay wax weyn oo ay maxkamada hor keenaan aysan haysan.
Si kastaba ha ahaatee labo weak ka hor ayay bilaa batay maxkamadii oo taariikhdu ku beegnayd 28/01/13.Waxayna socotaa ilaa 2-bo Usbuuc oo kale waxaa kale oo la filayaa inay soo gabo gaboowdo 21-22-February,13.
Qaabka ay u dhacayso Maxkamada ama u socoto
Waxaa shuruucda maraykanka ka mid ah in dacwooyinka noocaan oo kale ah,loo saaro gudi layiraah{Jure},Shaqadoodu waxay dhagaysanayaan waxa lagu soo eedeeyay,dadka la dacwaynayo markay dhamaystaan qolyaha wax soo eedeeyay dacwadooda,ayay haddana waxay dhagay sana yaan Qareenada difaacayo eedaysanayaasha waxay kaga jawaabaan dacwadaas,iyo waxay ku difaacaan.
Ka dib ayay gaarayaan go’aan. Go’aanka ay gaaraan ayaana noqonayo go’aanka ugu danbeeyo oo uu Qaadigu xukumaayo.Hadabo Dacwada walaalaha ayaa waxaa loo saaray gudigaas(juryga ah},oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 15 Qof hadda way soo dhamaatay,dhagaysiga dacwad oo gayaashii ilaa 2 usbuuc ayey wadeen eedeymahooda
Hadda waxaa socdo dhagaysigii Qareenadii Wadaadada,si fiican ayayna u socotaa walaalaha goobta jooga waxay noo soo gudbinayaan,ilaa hadda in hawsho ay u socoto si fiican ilaahay gacantiisa ayayna ku jirtaa go’aanka ugu danbeeyo wuxuu ku dhamaan doono.
HADABO.. Walaalaha Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan waxaa laga codsanayaa,laguna baraarujinayaa arimahan soo socdo…
A-In walaalaha loo soo duceeyo,waliba waqtiyada ijaabada ah,laguna dadaalo in la xasuusiyo muslimiinta ducada walaalaha,gaar ahaan Culimada,iimaamyada iyo raga masaajida joogo,waqtiyada salaadaha ha xusuusiyeen Jamaacaadka soo tukada iyo ducada walaalaha.
B-Go’aanka waxaa ridi doono,gudigaas aan idiin soo sheegay,in iyaga nafdooda illaahay loo waydiiyo in quluubtooda uu illaahay u jilciyo culimadaas hawshooda loo dhiibay,oo sawaabka illaahay ku ridu quluubtooda,maxaa yeelay gaal iyo muslimba illaah ayaa quluubtooda maamulo.C-In walaalaha muslimiinta ay ku sabraan wixii ka soo baxo Go’aankaas Maxkamada oo maalmaha soo socdo laga war sugaayo. Illahay waxaan waydiisanaynaa inuu walaalaha xoriyadooda u soo celiyo.Amain.
Wixii warbixin dheeraad ah oo soo baxo waan idiin soo gudbinaynaa,insha allaah.
Diyaariye Walaalkiin Abdullahi Abul-Fadli.}
Minneapolis,MN.kulmiye99@hotmail.com.