Jamciyadda Tawxiid Islaamic Association ee magaalada Kampala oo tacsi diraya

February 17, 2013 - Written by

tacsiTacsi:-Jamciyadda Tawxiid Islaamic Association Kampala Uganda iyo Ducaadda Markazka  Tawxiid Islamic Iyo Dhamaan Jamaacada Muslimiinta  ee magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda  waxaa ay halkaan uga Tacsiyeyneynaa Ummadda Soomaaliyeed, dhalinta dacwada iyo dhammaan eheladii Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax Dilkii naxdinta lahaa ee loogaystay galabtii Jimacha ahayd  isaga oo salaadii casar Tukanaya .

Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax wuxuu ahaa Aabaha  ruuxiga ah ee fidinta dacwada salafiga ah ee Soomaaliya, cumrigiisana ku dhameeyey u yeeridda, barida Diinta dacwada saxda. Waxaan Rabbi naxariistiisa iyo dembi dhaafkiisa  u weydiinaynaa Sh. C/Qaadir Nuur Faarax. Waxaan kale oo Rabbi ka baryaynaa in dhagar qabaha iyo ciddii ku Taakulaysayba  ku jazeeyo ciqaabkay mudan yihiin iyo in Rabbi soo gacan geliyo cid kasta oo gacan ka geysatay dilkaan foosha xun.

Waxaan si aan kala har lahayn u cambaaraynaynaa dilkaan foosha xun ee lagu beegsaday Caalimka weyn ee Ummada Soomaaliyeed. Waxaan ummada uga digeynaa fikirkan qaloocan ee beegsanaya waxgaradka, culimada iyo dadka wax tarka u ah ummadda .Waxaan ku baaqaynaa in Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba meel uga soo wada jeestaan fikirkan guracan ee banaystay dhiiga biri ma geydada iyo culimadda indhaha ummadda u ah.

Waxaan Ummada ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan fawto beenaadka dhiigu ka da’ayo ee lagu banaysanayo dhiiga culimada, cuqaasha iyo dhamman biri ma geydada ummadda. Waxaan ku baaqaynaa in is kaashi, wada jir iyo dhammaan ummaddu in Rabbi kaga baqaan ilaashadaan diintooda iyo in ay ka fogaadaan daadinta dhiiga muslimiinta.

Magacyada

1)      Sh.Maxamed Cabdulweli Cabdalla (Imaamka Masjidka Tawxiid Kampala

2)      Sh.C/Karim C/Raxmaan

3)      Sh.Maxamed Axmed Dabiix

4)      Sh.Sahal Barre Ciid

5)      Sh.Ibrahim Xirsi Galaw

6)      Sh.Axmed Xabiib Geescade

7)      Sh.C/qadir Qoryooleey

8)      Sh.Maxamed C/Caziz Ducaale

9)      Sh.Axmed Ibrahim (Macalim Carab)

10)  Sh.C/Raxmaan Xuseen Carab

11)  Sh.C/Rashiid Maxamed xassan

12)  C/RaxmanQaasim Maxamud

13)  Abshir Jamac Maxamed

14)  Xaji Cali Maxamud Ciise

15)  Cumar Xaaji Axmed Sheekh  & Dhamaan Reer Xaaji Axmed Sheekh Kampala

16)  Xuseen Cabdi Muumin & Dhamaan Reerkiisa

17)  Maxamed Cali

18)  Daahir Axmadiin Xaaji jaamac

19)  C/Karim Nuur Cukaash

20)  C/Rashiid Axmadiin Xaaji Jamac

21)  Adan Xaji Xassan Aamin

Dhamaan walaalaha reer Kampala oo aan inta ku soo koobi karin magacyadooda

Waxaa soo diyaarshay

C/Raxmaan Qaasim Maxamud

Kampala  Uganda

+256752966556

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online