Koox hubeysan oo weerartay maqaaxida Chum Fry oo ku taal magaalada Gaarisa
February 7, 2013 - Written byGaarisa:-Koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa saaka weerar ku qaaday maqaaxida Chum Fry oo ku taala magaalada Gaarisa waxaana weerarkaas uu dhaliyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana goobta ku dhintay hal qof halka mid kale uu ku dhaawacmay.
Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa uu ku dhow yahay xarunta Kenya Commercial Bank .dilka ka dib ayaa waxaa goobta ka baxsaday kooxda dilka fulisay waxaana goobta soo gaaray ciidmada amaanka ee magaalada Gaarisa.
Warar hordhac ah oo la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in ninka dhintay uu ahaa Soomaali ka ridoobay diinta Islaamka caana ka ahaa magaalada Gaarisa halka ninka kale ee fadhiyey Maqaaxida aan la aqoon wuxuu yahay.
Magaalada Gaarisa ayaa waxaa ku soo badanaya weerarada iyo dilalka gaadmada ah tan iyo markii ay ciidanka dowladda Kenya ay gudaha u gashey Koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011 iyada oo la wareegtay deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo.
A/Cawale
Halgan.net