Madaxweynaha DFS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
February 13, 2013 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFS ayaa maanta xafiiskiisa Villa Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Saalax Anadif Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxayna ka wada hadleen xaalada dalka iyo howlgalada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Kulanka saaka dhexmaray Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka midowga afrika u qaabilsan soomaaliya Maxamed Saalax Anadif ayaa waxaa uu ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin waxaana kulankooda diirada ay ku saareen arimo ay kamid ahaayeen howlgalka AMISOM iyo xalkada amniga ee dalka.
Kulanka labada Masuul markii uu soo idlaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay Wakiilak Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Anadif ayaa sheegay in waxbadan ay ka wada hadleen madaxweynaha DFS ayna fulin doonaan dhamaan qodobadii laga wada hadlay wuxuuna si rasmi ah u sheegay in Xafiiskiisa uu u soo guuray magaalada Muqdisho.
Sarkaal u hadlay DFS ayaa sheegay in kulanka dhexmaray Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Anadif looga hadlay sidii dardar loo galin lahaa howlgalada ay ciidanka AMISOM iyo DFS ka wadaan Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net