Madaxweynaha JFS oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar
February 8, 2013 - Written byQaahira:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ah u joogao magaaladda Qaahira ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.
R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan, Marwadda Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar, iyo Wasiirul dowalaha Arimiha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Nour Gacal ayaa ka qeyb galay xafladda lagula kulmay jaaliyadda.
Madaxweynaha ayaa jaaliyadda ku wargeliyay in Soomaaliaya ay hadda dib ugu soo noqoneyso wadaddii toosneyd, loogana baahan-yahay in jaaliyadda dibadda ay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha cusub ee ay dowladda ku damacsantahay in ay dalka xasilooni ugu soo celiso, kaas oo ku xusan qoraalka “Lixda Tiir Siyaasadeed” ee dowladda, amniga iyo cadaaladda ay hormuud ka yihiin.
no images were found
Maalmo ka hor ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la kulmay jaaliyadda London, sidoo kalena kula dar-daarmay in ay dalka maal-gelin ku sameeyaan. Waxaa mudan in la xuso in kumanaan muwaadiniin oo Soomaali ah ay dib ugu soo laabanayaan dalka Soomaaliya tan iyo bilihii lasoo dhaafay.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia