Madaxweynaha JFS oo Tacsi y diray Ehelada iyo Qaraabada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

February 16, 2013 - Written by

xasanInaa-Lilaahi Waa Inaa Ilaahi Raajicuun Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa ku tilmaamay dilkii loo geystay Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax mid aad looga naxo lagana xumaado oo ka baxsan bini aadanimadda.Wuxuuna uga tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisto Marxuum Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo xubin weyn ka ahaa culumada Soomaaliyeed. Sheekha ayaa waxaa dishay gacan ka xaq daran goor uu cibaadeysanayay.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tilmaamay Sheekha geeriyooday inuu ahaa Sheekh fidinta diinta Islaamka qeyb weyn ka qaatay. Wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo anagana iyo eheladiisana samar iyo iimaan naga wada siiyo.

AAMIN, AAMIN,AAMIN.–

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Villa Somalia, Muqdisho

media@presidency.gov.so

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc waall waa tacsi aan dadka udirayey ee sii gudbiإنّالله وإنا إليه راجعون إنّ لقلب ليحزن وإنّ العين لتدمع ولانقول إلامايرضي ربنا وإنّابفراقك ياشيخ عبدالقادر لمحزونون ، اللهمّ اغفر له وارحمه وادخله في جنا تك جنات النعيم ،قدقتل كثير من علماء أهل السنة في لأزمان المتأخرة خاصة في الصومال فقدقتل قبل الشيخ الدكتور أحمد حاج عبدالرحمن الذ ي قتلته الحركة الشباب شهيدا نحسبه كذلك والله حسيبه وغيره من علما ء الصومال اليوم يوم محزون فقد قتل حبر الصومال شهدا والله حسيبه

Leave a comment

*