Ra’isul wasaarah JFS Cabdi Faarax Shirdoon Garsoorku waa mid madax banaan[War-saxaafadeed]
February 7, 2013 - Written byMuqdisho:-War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaarah dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Saacid aysan go,aankii ka soo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir ee xukunka halka sano ah ku riday Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) iyo haween sheegtay in la kufsaday aysna fara gelin doonin.
Ra’isul wasaarah dowllada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)ayaa sheegay in xukuumadu ay baaritaan ku samayn doonto xukunka Maxkamada Gobolka Banaadir ay gaartay balse go,aanka Maxkmadu uu yahay mid u gooni ah. Ra’isul wasaarah dowllada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) ayaa waxaa kale oo warsaxaafeedka ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay “ in dalka Soomaaliya uu ka jiro nidaam garsoor oo ka madax-bannaan xukuumada sidaas darteedna loo baahan yahay in la xaq dhowro.
War-saxaafeedka ka soo baxda saaka xafiiska Ra’isul wasaarah dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) ayaa ku soo beegmaya xili uu Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon uu ka codsaday dowllada Federaalka Soomaaliya ay xaqiijiso in si cadaalada ah loo baaro xukunka lagu riday Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) iyo haween sheegtay in ay kufsi kula kaceen ciidamo ka tirsan ciidanka dowllada Federaalka Soomaaliya.
Halkaan riix warsaxaafaeedka RW Saacid Statement_From_the_Office_of_the_Prime_Minister_PDF
A/cawaale
Halgan.net