Saddex askari oo ka tirsan ciidamada booliska DFS oo qarax ku dhintay
February 19, 2013 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 3askari oo ka tirsan ciidamada booliska ee DFS kuwaas oo ku sugnaa suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan qeybta Khudaarta ay dhinteen markii Bam gacmeed lagu weeraray.
Goobjoogayaal ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in askarta lagu tuuray Ban Gacmeed iyaga oo meel wada taagan waxaana goobta ku dhinta 3askari halka mid kale uu soo gaaray dhaawac fudud.
Saraakiisha ciidanka DFS ayaa xaqiijiyay dhimashada saddexda askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee DFS waxayna sheegeen in ay wadaan baaritaano.
Weerarkan lagu dilay 3 askari oo ka tirsan ciidamada booliska DFS ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca Suuqa Bakaaraha oo ay 3 askari lagu dilo ilaa iyo markii ay dhamaadeen dagaaladii tooska ahaa ee ka dhici jiray hareeraha Suuqa Bakaaraha .
A/Cawale
Halgan.net