Sh Axmed Maxamed Islaan (Sh Axmed Madoobe ) oo ka hadlay Shir ka furmay Kismaayo
February 28, 2013 - Written byKismaayo:-Waxaa ka furmay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose shir in muddo ahba qabanqaabadiisu ay socotay kaas oo Maamul gobaleed loogu sameynayo gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxaana shirkan soo abaabulay Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo iyo Urur Gobaleedka IGAD
Maamul u sameynta gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa waxaa isku khilaafsan madaxada DFS iyo Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo waxaana uu khilaafka salka ku hayaan qabiil iyada oo Masuuliin ka tirsan DFS ay si cad u diidan yihiin in Maamul gobaleed laga sameeyo J/land halka qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda J/land ay ku doodayaan in ay xaq u leeyihiin maadaama dowlada lagu doortay Dastuur Federaal ah.
Guddoomiyaha KMG ee maamulka Kismaayo Sh Axmed Maxamed Islaan (Sh Axmed Madoobe ) ayaa ka hadlay shirka maanta ka furmay magaalada KIsmaayo ee xarunta J/Hoose wuxuuna sheegay in ay ku martiqaadeen DFS iyo dhamaan dadka ka soo jeeda gobalada ubooyinka .
Hoos Ka Dhageyso Wareysi ay la yeelatay Idaacada VOA-da Guddoomiyaha KMG ee maamulka Kismaayo Sh Axmed Maxamed Islaan (Sh Axmed Madoobe )