Shir Maamul gobaleed loogu sameynayo gobalada Jubooyinka oo 23 bishan Furmaya
February 11, 2013 - Written byKismaayo:-Guddoomiyaha guddiga farsamada ee Maamul u sameynta gobalada Jubbooyinka ayaa si rasmi ah u sheegay in uu ka furmi doono magaalada Kismaayo 23 bishan shirweyne ay ka soo qeyb gali doonaan dhamaan dadka degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo,IGAD iyo Masuuliin ka socda DFS kaas oo lagu dhisi doono Maamul Gobaleed.
Guddiga farsamada ee Maamul usameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in ay soo gaareen magaalada Kismaayo in ka badan 500 ergo kuwaas ka kala yimid gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Wararka aan sidoo kale ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in magaalada ay ku sugan yihiin wafdi ka socda IGAD,Xildhibaano ka tirsan DFS iyo dhamaan Guddiga farsamada Maamul usameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo kuwaas oo ka gaaraya 25 xubnood.
Siyaasada DFS ayaan cadeyn ilaa iyo haatan waxaana xarig jiid siyaasadeed uu ka dhexsocdaa masuuliin ka tirsan DFS kuwaas oo diidan in Maamul gobaleed laga sameeyo magaalada Kismaayo iyo Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo .
A/Cawale
Halgan.net