Suldaan Muuse Faarax Onkod Alaha u naxariistee oo lagu aasay magaalada Boosaaso
February 3, 2013 - Written byBoosaaso:-Waxaa maanta lagu aasay magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari Alaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Onkod oo shalay kooxo hubaysan ay ku dileen magaalada Boosaaso marxuum Suldaan Muuse Onkod ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha Biyo Kululle ee bariga magaalada Boosaaso.
Aaska Marxuum Suldaan Muuse faarax Onkod ayaa waxaa ka soo qeyb galay waxgarad ,Nabadoono , issimo, masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ,Madaxweynihii hore ee Puntland Jen Cadde iyo Dadweyne kale oo tiro badan.
Aaska Marxuum ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka amniga ee dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan waxaana uu sheegay ayaa inay dowladu hayso raadad la xiriira dadkii dilka Suldaanka fuliyay iyo halka ay u baxsadeen waxaana uu muujiyey in dowladu rajo badan ka qabto in ay soo qabtaan raga dilka u geystay Suldaan Muuse Faarax Onkod.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi oo ku sugnaa aaska Marxuum Suldaan Muuse Faarax Onkod ayaa sheegay in dilka Suldaan Muuse Faarax Onkod uu ahaa kii ugu foosha xumaa ee ka dhaca gobalka Bari wuxuuna sheegay Jen Cadde in Suldaan Muuse Faarax Onkod uu ahaa suldaan qiimo badan wax badan nabad ka soo qeyg qaatay wuxuuna alle uga baryey in alle janadii ka waraabiyo Suldaan Muuse Faarax Onkod.
Waxaa sidoo kale aaska Marxuum Suldaan Muuse Faarax Onkod ka hadlay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah issimada Puntland waxaana uu tacsi u diray ehelada Suldaan Muuse Faarax Onkod wuxuuna alle uga baryey in uu janada ka waraabiyo.
M_M Deeq
Halgan.net