Todoba Xayndaab Shiikha Laguma Xurmayn W/Q Cabdulqaadir Cabdi Diiriye
February 17, 2013 - Written byNaf walba waa dhimanaysaa laakiin qofku wuxuu ku noolaa iyo wuxuu ku dhintay ayaa micne u sameeya geerida ka dib. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ilaahiisaa naga yaqaan laakiin noloshiisii iyo geeridiisuba wanaag ayey tusaale u ahaayeen.
Ilaahay dadka caqliga iyo diinta leh wuxuu u tilmaamay xuduuddo aanay ka gudbin si ay adduun iyo aakhiro u badbaadaan. Laakiin waxaa muuqata in sheikh Cabdulqaadir dadkii dilay dhawr gidaar oo shiikha ku xayndaabnaa ayey jebiyeen. Todoba xayndaab oo qaddarin mudnaa ayaa shiikha loo soo dhaafay.
Muslinimada
Dhiiga Muslimka xaaraanimadiisa uma baahna xasuusin oo waxaan filayaa inay ka mid tahay waxyaabaha ugu horreeya oo qof walba oo Soomali ah uu ka dheregsan yahay. Quraanka iyo axaadiis aad u fara badan ayaa muujinaya in aanay bannaanayn dilka qofka muslimak ah.
Shiikh Cabdulqaadir Muslinamadii laguma deyn!
Cilmiga
Shiikh Cabdulqaadir wuxuu ahaa qof weligiis shaqadiisu ahayd sheegidda diinta waxa keliya ee uu caanka ku ahaana waxay ahayd masaajid, kitaab, muxaadaro, heshiisiin iyo duruus. Masjidkii Ceel-hindi ee Muqdisho wuxuu ka akhrin jirey Buluuqul Maraam, Siirada Nebiga (CSWS) iyo Saxiixul Muslim oo 1985 markii wadaadada la xirxirayey ka joogsaday markaas oo uu dibedda u baxay. 1989kii ayuu hadana masaajidkii Xaashi Weheliye ka bilaabay Saxiixul Bukhaari. Duruustiisa aad ayaa loo iman jirey oo masjidka dibeddiisa ayaa la fariisan jirey. Ilaa iyo hadda ma joojin hawshaas khayrka ah oo meel walba oo khayr looga yeero wuu taagnaa.
Dilka culimadu waxaa ku joogsada khayrkii badnaa ee ay u gudbinayeen muslimiinta kale. Dugsashada culimadu waxay dadka ka horjoogsataa fitnooyinka adduunka oo u baahan in looga gudbo cilmi.
Shiiikh Cadulqaadir cilmigiisii laguma deyn.
Da’da.
Shiikhu todobaatan waa dhaafay, waa cirraystay, oo nebigu wuxuu noo sheegay in qofka muslinamada ku cirraysta qadarintiisu ay ka mid tahay weyneynta Ilaahay.
قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ): إِنَّ مِنْ إِجْلَالِ اللَّهِ إِكْرَامَ ذِي الشَّيْبَةِ الْمُسْلِمِ ، وَحَامِلِ الْقُرْآنِ غَيْرِ الْغَالِي فِيهِ وَالْجَافِي عَنْهُ ، وَإِكْرَامَ ذِي السُّلْطَانِ الْمُقْسِطِ( واه أبو داود – صحيح الجامع – الرقم 2199
Cimriga shiikhu waa ka muuqday oo weliba sandihii dambe waa iska xanuunsanaa oo neef ayuu lahaa waase ku samri jirey.
Hadalkii nebigeena (CSWS) lama qaddarin, oo naxariistii insaanimo dadka da’da ah loo hayey lama qaddarin oo dhaqankii Soomaalida ee qofka weyn la ixtiraami jirey oo ‘adeer’ iyo ‘abti’ iyo ‘awoowe’ la oran jirey lama xeerin.
Da’dii shiikhu ma noqon wax looga joogsado dilkiisa.
Masaajidka.
Shiikhu Masjid buu ku jirey. Waa gurigii ilaahay!, cibaaduu u yimi. Wuu u carraabay oo nebigu qofkii u kalaha ama u carraaba masaajid khayr buu u sheegay.
وَقَالَ -صلى الله عليه وسلم-: “مَنْ غَدَا إِلَى الْمَسْجِدِ وَرَاحَ، أَعَدَّ اللَّهُ لَهُ نُزُلَهُ مِنَ الْجَنَّةِ كُلَّمَا غَدَا أَوْ رَاحَ البخارى”
Masaajidda waxaa ka reebban qaylada suuqa, xabbad baa ka yeertay, in la nadiifiyo ayaa waajib ah, dhiig baa lagu daadiyey, degenaan baa loo doontaa, sas iyo argagax baa lagu abuuray.
Wax walba oo la xeeriyo, masaajid waa meel loo baxsado. Laakiin shiikha waa lagu bixin waayey.
Salaadda
Shiikhu Ilaahay buu la faqayey (hadlayey). Addoonimadiisuu u qirayey.baahidiisuu u muujinayey. Adaan ku caabudayaa Ilaahoow buu lahaa. Ha ii caroonin oo u hanuuni buu lahaa.
Alla meeshuu taagnaa weyneydaa. Alla meeshuu taagnaa weyneydaa. Alla meeshuu taagnaa weyenydaa.
Shiikh Cabdulaadir, iyo qof walba oo addoomada ilaahay ka mid ah, su’aasha u horraysa oo la weydiinayaa waa Salaadda iyo siduu waajibkeedii uga soo baxay. Haddii ay hagaagsanaato, su’aalaha kale waa fududaadaan. Haddiise uu salaadda ku dhaco inta kalena waa ku dhacaa:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : ” إِنَّ أَوَّلَ مَا يُحَاسَبُ بِهِ الْعَبْدُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنْ عَمَلِهِ صَلَاتُهُ فَإِنْ صَلُحَتْ فَقَدْ أَفْلَحَ وَأَنْجَحَ وَإِنْ فَسَدَتْ فَقَدْ خَابَ وَخَسِرَ فَإِنْ انْتَقَصَ مِنْ فَرِيضَتِهِ شَيْءٌ قَالَ الرَّبُّ عَزَّ وَجَلَّ انْظُرُوا هَلْ لِعَبْدِي مِنْ تَطَوُّعٍ فَيُكَمَّلَ بِهَا مَا انْتَقَصَ مِنْ الْفَرِيضَةِ ثُمَّ يَكُونُ سَائِرُ عَمَلِهِ عَلَى ذَلِكَ ” رواه النسائي 465 والترمذي 413 وصححه الألباني في صحيح الجامع 2573
Laakiin Shiikh Cabdulqaadir waxaaba la soo bixin doonaa isagoo tukanaya oo nebigeenu CSWS wuxuu yiri:
)يُبعَثُ كلُّ عبدٍ على ما ماتَ عليه(صحيح مسلم – الرقم 2878
Casarka
Salaadda casar waxaa loo sheegay fadli siyaado ah oo si gaar ah ayaa quraanka loogu sheegay markuu yiri Ilaahay “Ilaaliya saalaadaha iyo salaadda dhexe” waxaana lagu fasiray salaadda dhexe inay tahay casarka.
حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَى وَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ ,البقرة
Wuxuu sheegay nebigeenu CSWS in tukashada casarku sabab u noqoto waxa ugu wanaagsan ee qiyaamaha la helo – aragtida Ilaahay:
عَنْ جَرِيرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ قَالَ كُنَّا عِنْدَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَنَظَرَ إِلَى الْقَمَرِ لَيْلَةً يَعْنِي الْبَدْرَ فَقَالَ إِنَّكُمْ سَتَرَوْنَ رَبَّكُمْ كَمَا تَرَوْنَ هَذَا الْقَمَرَ لَا تُضَامُّونَ فِي رُؤْيَتِهِ فَإِنْ اسْتَطَعْتُمْ أَنْ لَا تُغْلَبُوا عَلَى صَلَاةٍ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا فَافْعَلُوا (1) ثُمَّ قَرَأَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ. صحيح البخاري – الرقم573
Jimcaha
Jimcuhu waa maalinta ugu fadliga badan maalmaha. Waxaa ku jira saacad ilaahay ducada aqbalo. waa ciidda todobaadka muslimiinta.
)إن يوم الجمعة سيد الأيام ، وأعظمها عند الله (صحيح الجامع – الصفحة أو الرقم 2279
Jimcaha wanaagiisa iyo xurmadiisa lama eegin oo shiikha dhiigiisa la badbaadin.
Ilaahay waa dul badan yahay.
Inuu cimrigiisa diin ka shaqaynayey, inuu salaad ku jirey, iyo in dulmi lagu dilayba waxay nagu beerayaan inaan khayr badan u rajayno shiikha. Murugada iyo welwelku waxay ku hareen dadkii ka shaqeeyey shiikha dilkiisa oo ay u muuqato inay la tahay inay ajar ku helayaan inay bannaystaan dhiigga.
Qofka da’da yar markuu cilmi yeesho oo ka shalaayo dhacdhacii ka dhacay yaraantiisii, waxaa ugu daran siduu dhiigii uu galay uga baxsan lahaa.
Ilaahay ka baryaynaa inuu janadii geeyo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Dadkii uu ka tegeyna wanaag ugu bedelo meeshuu ka baxay.
Cabdulqaadir Cabdi Diiriye
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
Jazaakallaah Akhuunaa.