Urur Siyaasadeedka Midnimo iyo UDAD oo maanta shirweynahooda ku qabsanaya Garoowe
February 2, 2013 - Written byGaroowe:-Waxaa la filayaa in maanta magaalada Garoowe ee xarunta Dawlada Puntland in uu ka furmi doono shirweynaha urur Siyaasadeedka Midnimo oo ka mid ah ururada ka jira Puntland, waxaana furitaanka shirka lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan ergooyin ka kala yimid gobalada Puntland .
Qabanqaabada Shirweynaha ururka Midnimo ayaa siweyn Looga dareemayaa xarunta Puntland ee Garoowe waxaana uu kulankooda uu ka dhici doonaa Hoolka Shirarka ee Jaamacada PSU .Urur Siyaasadeedka Midnimo ayaa waxaa uu soo bandhigi doonaa Barnaamijka Siyaasadeed waxaana la dooran doonaa gudoomiyaha Ururka ,Golaha fulinta ee ururka Midnimo iyo Golaha dhexe.
Dhinaca Kale waxaa sidoo kale la filayaa in uu maanta ka furmo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland shirweynaha urur Siyaasadeedk UDAD waxaana taageerayaasha Ururka ay isigu yimaadeen magaalada Garoowe .
M_M Deeq
Halgan.net