Ururka Xisbul Islaam oo ka tacsiyeeyey dilkii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax

February 17, 2013 - Written by

xisbulAllaha u naxariisto Sheekh Cabdulqadir Nuur Faarax oo ka mid ahaay Ducaada, aqoonyahanada iyo Culumada Soomaaliyeed oo jimcihii oo Taariikhda Hiriyadu ahayd 05-04-1434 oo ku aadan Taariikhda miiladiga 15-02-2013, lagu dilay magaalada Garoowe isagoo cibaadaysanaya oo gudanaya waajibaadkii Salaada Casir. Falkaas lagu dilay sheikh Cabdulqadir Nuur Faarax waa mid waxashnimo, ijraamnimo iyo mid inxiraafnimo oo indhaha looga ridayo Dacwada iyo Saxwada Soomaaliyeed, ayna ka danbeeyaan dadaan marnaba la doonayn umada Soomaaliya wax khayr ah.

Sheikh Cabdulqaadir, wuxuu ka mid ahaay tiirarkii iyo rukniyadii waaweynaa ee ay ku taagnayd Dacwada iyo Saxwada Soomaaliyeed tan iyo horaantii Todobaatameeyadii qarnigii hore, walina hormuud ka ahaay ilaalinta manhajka iyo mabaadiida Diinta Islaamka. Sidoo kale wuxuu sheekhu door firfircoon ku lahaay dhinacyada nabadaynta, musaalaxada iyo dibu heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed tan iyo waqtiyadii ay dalka ka jireen colaadaha sokeeye.

Wuxuu sheekhu dhibaatooyin badan oo isugu jira Xabsi, ciqaab iyo handajabaadyo ka soo maray halgankiisa faafinta iyo kor yeelida Diinta Islaamka guud ahaan geeska Africa iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Hadaba Ururka Hisbul islaam, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Culumada Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii oo ka geeriyooday sheikh Cabdulqaadir,  waxaana alle uga baryaynaa inuu Janatul fardowso ka waraabiyo, qabrigiisana uga dhigo  روضة من رياض الجنة

الّلهم أمين. الّلهم أمين. الّلهم أمين.

Lifaaq:

Xisbigu wuxuu soo jeedinayaa:

1-      In umada  Soomaaliyeed  mowqif midaysan kaga hor tagaan dadka caadaystay dilka culumada, aqoon yahanka iyo indheer garadka Soomaaliyeed.

2-      In Culumada Soomaaliyeed la dagaalamaan manhjkaan munxarifka ah ee ku soo siyaaday wadanka, ugana digaan dhalinyarada.

3-      In laga shaqeeyo sidii loo  baadi goobi lahaay nabad waarta oo ka hana qaada dalka Soomaaliyeed, si looga gudbo fara galinta shisheeye.

 

Xoghayaha Arimaha Dibedda ee

Afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam

Sh.Maxamed Macallin Cali

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online