Wafdi ka socda DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose
February 25, 2013 - Written byKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in maanta duhurkii uu gaaray Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka DFS C/kariin Xuseen Guuleed magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo waxaana loo galbiyey wafdiga wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed xarunta madaxtooyada ee magaalda Kismaayo
Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS waxaana sidoo kale ay la kulmi doonaaan wafdiga DFS Saraakiisha ciidanka dowlada Kenya .
Ma jiro hadal ay warbaahinta siiyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo Masuuliinta Maamulka magaalada Kismaayo waxaana u socda kulan loo diiday saxaafada Ilaa haatan lama garan karo wax ka soo bixi doona waxaana jira khilaaf u dhexeeya DFS iyo Maamulka ku meelgaarka ah ee magaalada Kismaayo ka saaray kooxda Al-Shabaab.
Cabdi Yare
Kismaayo