Wafdigii culumada ahaa oo socdaal ku gaaray degmada Galdogob ee Gobolka Mudug
February 12, 2013 - Written byGaldogob:-Wafdiga culumada oo socdaal dacwadeed ku soo kala bxiyey magaalooyinka Kalabayr, Jalam, Buurtinle, Xarfo, Bacaadweyn, Gaalkacyo, Beyra, Bursaalax, Riig-oomane iyo Qansaxle ayaa socdaalkooda ku soo khatimay magaalada Galdogob. Culumada iyo ducaadda magaalada ayaa wafdiga qado sharaf u sameeyey, waxayna is dhaafsadeen warbixino iyo talooyin muhiim ah. Wafdigu intii uu joogay magaalada wuxuu booqday Jaamacadda Bariga Afrika faraca Galdogob, Mac-hadka Imaamul Bukhaari ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga, Isbitaalka guud ee magaalada, iskoolka iyo xarunta agoonta Al-nuur. Wafdigu wuxuu warbixino ka dhagaystay maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika Sh. Bashiir Warsame Maxamed, maamulaha Mac-hadka Imaamul Bukhaari Sh. Maxamuud C/sahal X. Xirsi, Maamulaha dugsiga Alnuur iyo maamulaha isbitaalka guud Maxamed C/laahi Aadan.
Culumadu intii ay magaalada joogeen waxaa kalimad guubaabo iyo dhiirrigalin ah u jeediyey ardayda jaamacadda Sheekh Xabiib C/qaadir. Waxaa kale oo kalimad noocaas oo kale ah loo jeediyey ardayda mac-hadka Imaamu Bukhaari, isla markaasna Sh. Axmed C/samad ayaa ardayda mac-hadka siiyey seminar lagaga wacyigalinayey qabyaaladda iyo kala qoqobista ummadda. Culumadu waxay kale oo muxaadarooyin ka jeediyeen masjidka jaamica ah.
Waxaa xusid mudan in magaalada Galdogob laga hirgaliyey xarumo waxbarasho oo isugu jira dugsiyo Qur’aan, duruusta masaajida, iskoolo ilaa heer dugsi sare ah, mac-had diini ah oo ilaa heer dugsi sare ah iyo jaamacad laakiin waxaa muuqata in aan dadka deegaanku sidii la rabey uga faa’iidaysan fursadahaas waxbarasho oo heerarka kala duwan leh, loona baahanyahay in la sameeyo wacyigalin dheeraad ah.
Halgan.net