Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise oo shirjaraa’id ku qabtay Boosaaso
February 6, 2013 - Written byBoosaaso:-Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta waxaa uu shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari isagoo ku goodiyey in ay qaban doonaa cid walba oo isku dayda in ay sameeyaan ama abaabul banaan baxyo aan sharciyeysnayn oo dowllada aysan ogayn.
Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ay digniintii ugu danbeeey ay u dirayaan siyaasiyiin ku sugan Boosaaso oo uusan xusin magacooda kana soo horjeeda siyaasada dowllada Puntlland iyo madaxdeeda iyagoo ku eedeeynaya in a yihiin kuwo sharci daro ah oo hareer maray Dastuurka Puntlland.
Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ku celceliyey in ay yaqaanaan nimanka khal khalka abuuraya ee jooga Boosaaso ayna magaalada ka degan yihiin ilaa 4 guri talaabana ay ka qaadi doonaa haddii aysan ka waantoobin nabadgelyo xumida ay ku wadaan Magaalada Boosaaso.
Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ku amaray ciidanka amniga in ay qabtaan cid walba oo hub sharci daro ah ku wadata magaalada Boosaaso haddii ay isku dayaan in ay dagaalmaan ay ciidanku amar u qabaan in ay talaabo waajib kooda ah ka qaadaan. Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale ku amray ciidanka amaanka in ay talaabo adag ka qadaan kuwa wata baaburta leh muraayadaha madow oo horay looga mamnuucay degaanada Puntlland in aan lagu wadan karin.
Hadalka Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise ayaa ku soo beegmaya xili shalay uu saxaafada uu la hadlay wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen. Siciid Samatar oo ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda dowllada Puntlland ka dib markii uu ku eedeeyey in waqtiga ay korarsadeen kuna tunteen Dastuurkii u yaalay Puntlland oo ay dadku ku hishiiyeen. Wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen. Siciid Samatar ayaa dhowr jeer waraysi uu bixiyey si cad u sheegay in uusan aqoonsanay dowllada Puntlland ee Madaxweynha u yahay Dr Cabdiraxmaan sh Maxamuud Faroole.
M_M_Deeq
Halgan.net