Wasiirka Beeraha ee Dowlada Puntland oo booqday Cuun iyo Shibiraaley
February 4, 2013 - Written byGaroowe:-Wasiirka Beeraha ee Puntland Eng.Maxamuud Xaaji iyo wafdi uu horkacaya ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanada Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur isaga oo booqday beeraha ku yaal deegaamadaas.
Wafdiga wasiirka Beeraha Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey waxgarad ,Cuqaal iyo Xeer-ilaaliyaha guud Puntland Maxamud Xasan Aw-Cismaan waxaana ay kulan la qaateen beeraleyda ku dhaqan deegaanada Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur .
Wasiirka Beeraha ee Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa inta uu kormeerka ku jiray waxaa uu u kuurgalay xaalada beeraha iyo beeraleyda wuxuuna warbixino iyo cabashooyin ka dhageystay beeraleyda ku dhaqan deegaanada Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur ee gobalka Nugaal.
Beeraleyda ku dhaqan deegaanada Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur ayaa ka codsaday wasiirka beeraha Puntland in dowlad ay ka caawiso beeraleyda dalaga kala duwan ay beertaan iyo suuqgeynta dalagyada ay beertaan waxaana ka mid ah Qaraha,Saytuunka,iyo Yaanyada.
Wasaarada Beeraha ee Puntland ayaa waxay ka mid tahay wasaaradaha sida weyn ay u muuqato waxqabadkooda iyada oo uu karti badan uu muujiyey wasiirka beeraha Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax.
Wasiirka Beeraha ee Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa waxaa sidoo kale la filyaa in uu booqasho ku tago dhul beereedyo ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar iyo Mudug maalmaha soo socda.
M_M Deeq
Halgan.net