Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta ee DFS oo gaaray magaalada Nairobi
February 7, 2013 - Written byMuqdisho:-Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Mudane Maxamuud Xasan Suleeman iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi si ay uga qayb galaan shirar muhiim ah oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka.
Shirarka uu wasiirku ugu qayb galayo magaalda Nairobi ayaa daba socda shirarkii looga hadlayey qaabaynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay hurmuudka ka ahaayeen Bangiga Aduunka , IMF iyo G7+ oo u xilsaaran sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha wadamada colaadaha ka soo kabanaya.
Bilihii ugu danbeeyey waxaa ku soo qul qulayey magaalada Muqdisho wafuud heer caalami ah oo dowladda Soomaaliya kala hadlaysay sidii dib loogu soo noolayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha loona hormarin lahaa hay’ada maaliyadda,
Wasiirka ayaa intuu ku sugan yahay Nairobi kulamo la qaadan doona Bangiga Aduunka, IMF iyo safiirada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi
Xafiiska wasiirka Maaliyada
Muqdisho
Halgan.net