Weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud oo damiin lagu sii daayey shalay galinkii danbe
February 13, 2013 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee DFS lagu sii daayey damaanad galinkii danbe ee shalay waxaana weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud ay DFS ku eedeeysay in hadalo gaf ah ka yiri maxkamada gobalka Banaadir.
Weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud ayaa waxaa damaanad ku sii deysay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana arinkaas ka soo saaray war saxaafadeed ururka suxufiyiinta ee NUSOJ.
Ururka NUSOJ ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad iska hor keenaya madaxada dowlada federaalka Soomaaliya iyo Saxafiyiinta isla markaasna loo baahan yahay in arinkaas laga hortago.
Weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud ayaa waxaa xirtay maxkamadda gobolka Banaadir 5-tii bishan, kaddib markii mudo sannad ah ay maxkamada gobalka Banaadir ku xukuntay weriye Cabdicasiis Koronto.
A/Cawale
Halgan.net