Ciidanka amaanka Puntland oo qabtay labo nin oo watay 7 Caruur ah

March 20, 2013 - Written by

garoweGaroowe:-Ciidanka ammaanka ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay  labo nin oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin afduubka 7 gabdhood oo da’doodu ay u dhaxeyso 5 ilaa 7 sano kuwaas oo laga soo afduubay Koonfurta Soomaaliya .

Ciidanka Amaanka ee Puntland ayaa labada nin ku qabtay kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe xili ay ku sii jeedeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool waxaana haatan dib loogu soo ceshay magaalada Garoowe halkaas oo ay ku xiran yihiin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka iyo qoyska ee Puntland Cabdiqaadir Yuusuf Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in gabdhaha ay ku  wareejiyeen wasaaradda haweenka iyo qoyska ee Puntland wuxuuna sheegay in  7 gabdhood laga keenay  tuulada Xawaadley ee ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska ee magaalada Garoowe  ayaa sheegay in  7 gabdhood oo da’doodu ay u dhaxeyso 5 ilaa 7 sano ay uga shakisan yihiin in loo waday dalal carbeed wuxuuna sheegay in ay soo bateen Caruurta jirkooda laga gancsado ee la geeyo dalalka Sacuudiga iyo Yemen.

M_M Deeq
Halgan.net

 

6 Comments so far

Leave a comment

  1. Maamulka Halgan.net waxaan idinka codaneeynaa haddaad awooddaan in aad soo gelisaan sawirada carruurta 7da ah, sababtoo ah, saas ayeey ku ogaan karaan waalidka laga xaday carruurtaas.

    Ciidanka qabtay waxay mudan yihiin dalaciin & abaalmarin.

    kheyr Allaha ugu badalo.
    M Jowhar

    • shaqa fican ayaad qabaten cidanka putland waxaan lenahay thanks .midakale walaalaha halgan.net walaal hadaad awodaan 7da caruurta ah sawirkoda sogaliya iyo 2 nimanka o imaanka illahay kaqaaday.

  2. ASC,
    CODSI : Sawirka 7da carruur.
    Jazzakallaah
    M. Jowhar

  3. amaan ayay mudan yihiin ciidanka ilaalada wadooyinka p/land shaqada aad soomaaloodhan u haysaan walalayaal laba jibaara

  4. AScww
    Ciidamada amaanka ee puntland way ku mahadsanyihiin hawshaas wanaagsan ee ay umadda u qabteen, waa talaabo wax ku ool ah xaqiiqdii, waxaana qabaa in shacabku ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
    alshabaab ayaa dadka afkaartoodii qaloocnayd ku shubay ilaa ay dadka qaar ka dhaadhiciyeen inay ciidamadu gaalo yihiin iska daa ciidamadee shacabka oo dhan inuu gaalo yahay ayay qabaan oo fataawi ku dhiibeen.
    waxaase allaah mahadiis ah in si wanaagsan hada loo fahmay afkaartoodii guracnayd ilaahay caza wajallana uu fashilay beentii ay sheegayeen iyo diinta allaah oo ay ka been sheegayeen oo dadka khayrka jecel ay ku calool jilicsanayeenne ilaahay waa kashifay gaar ahaan falkii foosha xumaa ee insaaninimada ka soo hor jeeday iska daa islaamnimee ee ay kula kaceen al callaama al waalid shekhul qadiidati salafiyati fii ardi soomaal Al sheekh cabdulqaadir nuur faarax Raximahullaah wa askanahu fasiixa jannaatihi, ka dib markii ay sheekha toogteen isagoo rabbigii hor taagan maalin jimcaha beydkii allaah. Subxaanallaah alla sheekhu nasiib badanaa alshabaabse ayaan daranaa (Inna sacyakum La Shataa).

  5. masha allah,Ilaah ajar ha idinka siiyo howshad shacabka u haysaan waa arin ad ku amanan dontan adun & akhiroba ilah misanka xasanadka ha idin saro…

Leave a comment

*