Dadweynihii Muqdisho oo bilaabay in ay baacsadaan kooxaha Madax Jabiska kuna qabtay Degmada Dharkeenley
March 25, 2013 - Written byMuqdisho:-Dadweynaha reer Muqdisho ayaa waxaa ka ba,ay cabsidii ay ka qabeen kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab ee la yiraahdo madax jabis ka dib markii ay maalintii shalay baacsadeen laba ka mid ah kooxaha Madaxjabiska oo gabar u shaqeyn jirtay hay,ad Turki ah oo qaabilsan dhisida wadooyinka magaalada Muqdisho ku dilay Degmada Dharkeenleey.
Gabadha la dilay shalay Allaha u naxariistee ayaa waxaa magaceeda la yiraahdaa Zeynab Sheekh Max’ud waxaana ku dilay Degmada Dharkeenleey laba dhalinyaro ah balse nasiib wanaag ay qabteen dadweynihii markii ay baacsadeen iyaga oo markii danbe galay guri lagana soo saaray waxaana ay haatan ku xiran yihiin Saldhiga Degmada Dharkeenley.
Waa markii labaad oo ay dadweynaha magaalada Muqdisho gacanta ku dhigaan kooxaha madax Jabiska waxayna horey dadweynaha u qabteen Suuqa Bakaaraha nin ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha askari ka tirsan DFS oo ku sugnaa gudaha suuqa.
Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka nasatay dagaaladii fool ka foolka ahaa iyo Madaafiicdii ay qeybin jireen ciidamada AMISOM waxaana haatan ay la daalaadhaceysaa dilal qorsheysan oo ay fulinayaan kooxo abaabulan oo dilal gaadmo ah ka geysta magaalada Muqdisho.
Dhanka kale magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhismo baaxad leh iyo dib u habeyn xarumihii dowlada waxaana magaalada ay tahay mid aad u camiran oo aad moodo in ay ka soo kabaneyso.
A/Cawale
Halgan.net