Dallada Dugsiyada Minnesota oo ku tilaabsatay horumar laxaad leh ( Daawo)

March 12, 2013 - Written by

snapshot_017MDA “Minnesota Dugsis Association” waxaa la yagleelay bartamihii sanadkii 2012, waxaana ugu waa waynaayeen ujeedooyinkii loo asaasay: dar dar galint wax-barashada iyo xoojinta habsami u socodka Dugsiyada Quraanka Kariimka ee ku yaala magaalooyinka mataanaha iyo nawaaxigooda. Sida aynu ognahay waxaa ku nool Minnesota state bulsho  Somaliyeed oo aad u balaaran, bulshadaas oo aan lahayn goobo wax-barasho oo da’yarta lagu barbaariyo marka laga reebo Masaajida iyo madaarista Quraanka Kariima ayaa waxaa soo food saaray walaac iyo walbahaar baahsan oo ku saabsan mustaqbalka Ubad kooda taas oo keentay  inay miciin bidaan goobaha tirada yare ee ah masaajida ama Dugsi Quraanka, goobahaas oo aan gaarsiisnayn heer kii loo baahnaa marka laga fiiriyo dhinacyada tirada xarumaha furan, tayada  aqooneed ama xirfadeed ee barayaasha ka hawl gala xarumahaas, agabka wax barashada ama manhajka ay isticmaalaan, Saacadah goobahaas furan yihiin oo aad u kooban iyo kala daadsanaan baahsan oo keentay hoos u dhac ku yimid tayadii aqooneed  ee ardayda ku taxan madaaristaas, taas oo ku kaliftay in badan oo ka mid ah qoysaska soomaaliyleed inay ilmohooda ula hayaamaan wadamo kale, tusaalayaasha layaabka leh ee waalidiintu kuu sheegayaan waxaa kamid ah arday quraanka ku dhameeyay 12 sano oo xiriir ah Iyo kuwo  kale oo intaa iyo kabadan dhiganayay laakiin nasiib daro aan wali dhamayn, waxaa sii dheer ayadoo ay furmeen madaaris la sheegay in quraan laga barto laakiin aan la aqoon cida ka danbaysa iyo ujeedooyin kooda dhabt ah toonah.

Hadaba arimahaas aan kor ku xusay  iyo kuwo kaloo badan waxay  keeneen inay dhalato MDA  oo ku timid kulamo badan iyo talo-wadaad ay yeesheen dadka ku hawlan barbaarinta ubabka somaliyeed oo isugu jira culumo, aqoon yahano iyo waalidiin intaba.

Ilaa hadda arimaha ebyoomay iyo kuwa qabyada ah waxaan ka xusi karnaa:

  • Asaasida golayaal maamul oo ay yeelatay MDA oo kala ah golaha guurtida “shuurada” oo u sii kala baxa gudi hoosaadyo sida: gudiga Manhaj samaynta iyo arimah barbaarinta, gudiga Maaliyada, gudiga maamul wanaaga iyo huru marinta madaarista iyo gudiga tartama iy nashaad ka, golahaas wuxuu leeyaha gudoomiye, ku xigeen iyo xoghaye,  waxaa kaloo ka mid ah golayaasha haayada golaha hawl-fulinta oo asna leh gudoomiye iyo xafiisyo badan oo hoos yimaada.
  • Daladaan waxaa ku bahoobay  Dugsiyo fara badan oo ay ka hawl galaan in ka badan 130 bare ayna wax ka dhigtaan kumanaan arday, madaaris kalana waa la sugayaa inay ku soo biiraan.
  • MDA waxay qabatay 09/2012 xaflad qalin-jabin oo lagu abaal mariyay in ka badan 200 oo arday oo quraanka dhameeyay kana kala yimid 12 dugsi, xafladaas oo ka dhacday Minneapolis convention center, isla markaana ay ka qayb galaan kumanaan qof oo isu jira arday, waalidiin iyo dad-wayne kale, waxaa loo balamay in sanadle laga dhigo xafladaas.
  • Waxay ku hawlan tahay amaamudka agab wax-barasho oo ay yeelan doonaan Dugsiyada bah-wadaagta ku ah MDA, kaas oo isugu jira far-bar, wax-barashada islaamka iyo dhaqanka bulshadeena.
  • Agaasimida iyo qabasha kulan isugu jiray tababar iyo aqoon iswaydaarsi loo sameeyay macalimiin gaaraysa 100 kana kala yimid ilaa 15 dugsi, kaas oo qabsoomay 02/24/2013 kana dhacay hoolka wayn ee Abu-Babar Islamic Center , munaasabadaas oo macalimiintu ku baranayeen maadooyin kala duwan oo la xiriira Dugsiyada, isla markaana ku soo bandhigeen aragtidooda ku aadan horu-marinta dugsiyada iyo Manaahijta..

 

            Siminaar kaan oo socday mudo ka badan 6 saacadood oo xiriir ah ayaa u dhacay sidaan:

  • Ugu horayntii waxaa lagu bilaabay aayadaha Quraanka kariimka oo ay isu dabamareen sh c/naasir iyo macalin Ismaciil , aad ayaa loogu maqsuuday codadkaas.
  • Intaa ka dib waxaa cod-baahiya loo dhiiba xassan xade oo ka mid ahaa gudi loo xilsaaray inay daraasad ka sameeyaan Islamic studies, halkaas oo uu kaga faalooday arimo badan oo ay kamid ahayd doorka Dugsi Quraanku ciyaari karo marka la joogo qurbaha iyo  faraqa u dhexeeya dugsigii dhulkii hooyo iyo midka qurbah, midaynta iyo unkidda  manaahijta dugsiyada iyo arimo kaloo aad loogu riyaaqay.
  • Eng C/kariim Maxamuud saleebaan iyo sh c/llaahi Ibrahim ayaa si wada-jir ah u soo bandhigay daraasad la xiriirta arimaha kala ah: hab-maamulka galaaska, dhiira galinta ardayda, wanaajinta xiriirka baraha iyo ardayda, cashar diyaarinta wanaagsan, tilmaamaha baraha suuban,xuquuqda ardayga, habka edbinta waafaqsan sharciga maraykanka iyo sidii SALFKU ubad kooda u barbarin jireen.
  • Waxaa iyana si wada jir ah war-bixin dheer  oo ku saabsan MDA usoo gudbiyay  gumoomiya iyo ku xigeenka dallada Maclim C/qan Garyare iyo SH Maxamed Cabdi Shucayb halkaas oo ay kaga warameen mu’asasadaan, himilooyinka ay ku taamayso iyo waxa ilaa hada u qabsoomay.
  • Waxaa ka mid ahaa arima meesha lagu qaadaa dhigay war-bixin ku saabsanayd habka far-barka “Hikaad” oo ay soo diyaari yeen gudi arintaa loo xilsaaray, waxay soo jeediyeen in habka Hikaada lagu saleeyo qaabka wax-barsho ee maraykanka maadaama ilmaha halkaan ku koray ay la qabsadeen qaab kaas, sidoo kala waxay talo ku bixiyeen in ladiyaariyo manhaj 3 heer ah “levels” oo la jaan qaadi kara kobaca aqooneed ee maanta bulshada caalamku ku naaloonayso, waxaana soo bandhigay C/qaadir Xamuumi.
  • Gudi daraasad ka sameeyay qaababka ugu haboon ee ilmuhu quraan u xifdin karaan oo ay u hadleen Macalin Xassan C/casiis iyo Moxamed Ansaari ayaa soo bandhigay talooyin iyo fakrado aad loola dhacay sida qorsha hawleedka macalinka iyo ardayga ka dhexeeya inuu cad yahay, in macalinku quraanka xifdisan yahay tusaale wanaagsana u noqdo arday iyo inuu saaxiib la noqdo kana war hayo xaalada ardayga marwalba iyo goob walba.Intaa ka gadaal kulankii waxaa loo badala dood-wanaad u dhexeeya ka qayb-galayaasha , waxayna soo bandhigeen talooyin mira dhal ah oo laga dheehan karay aqoon iyo waayo-aragnimo gaamurtay oo macalimiinta qaar ku gaaxsan.
  • Guntii iyo gaba gabadii waxaan talooyin iyo wanaano soo jeediyay culumo ay ku jireen SH C/risaaq Xaashi iyo SH C/llahi Abul Fadli, ayagoo dhiira galiyay midnimada iyo wax wada qabsiga kana digay kala taga iyo khilaafka, sidoo kale waxay farta ku fiiqeen inaan da’yarteena lagu aaminin dugsiyo aan la aqoon waxa laga barto iyo cida ka danbaysa midna.

Hoos Ka Daawo Dallada Dugsiyada Minnesota


Diyaarintii:  Xassan Xade
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. MAASHAA ALLAAH ILAAHEY HANOO BADIYO DUGSIYDAAAN OO KALE FADLAN SUJUUDA UGU SOO DUCEEYA IYO RUKUUCDA DUCADIINA WAA LA AQBALAYAAYE W WR WBR

Leave a comment

*