Dowlada Federaalka oo ka soo horjeesatay shirka ka furmay magaalada Kismaayo
March 1, 2013 - Written byMuqdisho:-Raisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” ayaa sheegey inay xukuumadiisu ay ka soo horjeedo shirka Kismaayo ka socda ee la doonayo in lagu dhiso maamul goboleedka Jubaland State, ergo kala duwan ayaa shalay waxaa uu shirweyne uga furmay magaalada Kismaayo kuwaas oo ka kala yimid gobalada Jubooyinka waxaana shirka shalay furay maamul KMG ee magaalada Kismaayo.
Shirka shalay ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxaa uu ka dhex abuuray madaxada DFS iyo Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo waxaana si cad u soo shaac baxay mowqifka DFS ka dib markii uu maanta BBC wareysi siiyey Raisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid”
Raisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid”ayaa sheegay in kaalinti ay dowladiisu ku lahayd ka dhex muuqan shirkan ka socda
Kismaayo ayna si cad uga soo horjeedaan shirka ka socda Kismaayo.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa cadeeyay in dowladiisu wax gaabis ah aysan marna ka sameyn gobalada jubooyinka, wuxuuna sheegay in xukuumadiisa ay dhowr mar u dirtay magaalada Kismaayo wafdi isugu jiray Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo Saraakiisha sare oo ka tirsan DFS .
A/Cawale
Halgan.net