Garoowe oo Sh.C/qaadir Nuur Faarax ka maqanyahay W/Q Xassan Maxamed Ibrahim

March 12, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Boosaaso:-Waxaa caado ii ahaan jirtay sida badan inaan sheekh c/qaadir Nuur Faarax la kulmo ama booqdo mar kasta oo aan magaalada Garoowe socdaal ku maro, haddii aan magaalada ku ekahay iyo haddii aan sii dhaafayaba, sida badannna gurigiisa ayaan ku soo salaami jiray, mararka qaarna goobta uu xilligaas aan magaaalada marayo ku suganyahay ayaan ugu tagi jiray, waxaana sii xusuustaa maalin aan masjidka al hudaa ugu tagay isaga oo sharxaya saxiix al bukhaari, oo aan majliskiisii ku salaamay ka dibna  aan sii maca salaameeyay safarkaygiina sii watay.

Aad baan u jeclaa sheekha la kulankiisa mar walbana waxaa iiga kordhi jiray faa’iido cilmi ah ama khibrad iyo waaya aragnimadii uu ka soo kasbaday dacwada uu cimrigiisii intii badneyd u taagnaa, salaanta ka dib iyo ka wareysiga caafimaadkiisa waxaan mar walba la wadaagi jiray hammiga iyo waayaha dacwada, waxaana mar walba xamaas iyo han wax qabad igu abuuri jiray dadaalka iyo qiirada sheekha.

Socdaalkii ka horreeyay socdaalkii iigu danbeeyay e aan magaalada garoowe ku imaaddo sheekha ayaan wada soconnay alle ha u naxariistee annaga oo socdaal kaga nimid magaalada hargeysa oo aan kaga soo qayb galnay kulan lagu aasaasayay dallad kulmisa macaahidda islaamiga ah ee ku yaalla soomaaliya qaybeheeda kala duwan, safarkaas oo aan sheekha gaadhi wada saarneyn oo ay nagu weheliyeen sh. Axmad c/samad injineer faarax maxaamd xirsi iyo injineer jaamaca c/llaahi caydiid, wuxuu sheekhu si waalidnimo leh noogu tirtirsinayay inaan dacwada iyo horumarinteeda u soo jeedsanno oo jiilkayagu uu u diyaar garoobo sidii uu jiilkii sheekhu ka midka ahaa xilka dacwada iyo masuuliyaddeeda ugala wareegi lahaa, isaga oo mar walba muujinayay inuu ku kalsoonyahay in dacwadu ayna gablan aheyn dadkii ay soo saartayna ay ku filanyihiin in ay dacwada hoggaamiyaan si fiicanna u meel mariyaan.

Socdaalkii iigu danbeeyayna sheekha waxkhti dheer ayaan isu helnay howlo dacwadeed oo kala duwan ayaana ka wada qayb galnay,maanta markii aan magaalada soo galeyna waxaa igu sii cuslaaday xanuunkii uu ii gaystay dilkii sheekhu waxaana dib u gocday qiimihii uu sheekhu u lahaa dacwada deegaanadan si gaar ah iyo dacwada soomaaliyeedba si guud, waxaan tabay hadalladii cilmiga iyo xikmadda ku qotomay ee aan mar walba kala kulmi jiray,waxay nafteydu qaayibi wayday in socodkaygan aana sheekh c/qaadir la kulmi doonin goobihii gurigiisu ka midka ahaa ee aan ku arki jirayna aan maanta sheekh c/qaadir laga raadineynin ee uu jiifo iilka qabri ku yaalla qubuuraha khayr seexay ee duleedka magaalada garoowe.

Waxaad I mooddaa inaan magaalda qariib ku ahay mar haddii aan sheekh c/qaadir ka waayay, waxaadna mooddaa in magaalada lafteedu qariib igu noqotay maxaa yeelay sheekhu alle ha u naxariistee wuxuu ahaa tilmaanta ugu caansan ee magaalada lagu soo beegsado, in maanta magaalada laga waayana waxay la mid tahay in astaamihii magaalada lagu tilmaansan jiray qayb muhiim ahi ka maqantahay.

Hammi iyo xusuus dheer ka dib waxaan garwaaqsay in sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee uu dacwada soomaaliyeed gaar ahaan magaalada garoowe kaga tagay raad lama illaawaan ah oo ka marag furi doona aakhiro iyo adduunba wax qabadkiisii iyo sida aanu waxba u hagranin,laguna sii xusuusnaan doono shakhsiyaddiisii iyo nafcigii uu umadda u lahaa, alle ha u naxariistee.

Waxaan niyadda u sheegay in  maqnaanshaha sheekh c/abdi qaadir aanu macnihiisu aheyn in wax tarkiisii maqanyahay ama dhammaaday, maxaa yeelay gees kasta oo aad ka marto garoowe waxaad ku arki doontaa  mashruuc umaddu u ¨hayday oo uu sheekhu alle ha u naxariistee aasaaskiisa lahaa, waxaa ishaydu qabatay markaan soo galayba masjidka al hudaa oo uu sheekhu udub dhexaad u ahaa dhismihiisa maantana ah calaamadda lagu tilmaansado magaalada garoowe ahna qalbiga magaaladu ka nooshahay sheekhuna bulshaha kala hadli jiray duruustana ka akhriyi jiray.

Masjidka al hudaa waxaa dabaqiisa saddexaad ku yaalla machadka al hudaa oo sheekhu sidoo kale udub dhexaad u ahaa aasaaskiisa, inuu fikradda iyo abaabulka lahaa ka sakow wuxuu ka mid ahaa dadkii wax ka bixiyay lacaghii machadka aasaaskiisii loogu tabarrucay, waxaana wali sii xusustaa sidii uu maalintaas sheekhu ugu farxay tabarrucaadkii goobtaas lagaga yaboohay oo aan goobjoog ka ahaa , ilaahay sheekha iyo walaalihii kaleba ha ka abaal mariyo camalkaas khayrka ah ee ay hantidooda ku hirgaliyeen.

Sidoo kale wuxuu sheekhu wax ka aasaasay – gurigiisana la daris ah- machadka dumarka ee khadiija in badanna uu duruus ka jeediyay, ka hor macaahiddanna wuxuu sheekhu soo aasaasay madrasada al waaxa oo ah midda ugu caansan uguna wax soo saarka badan magaalada garoowe, ka dibna wuxuu sheekhu kaalin muuqata ku lahaa aasaaskii jaamacadda bariga afrika guud ahaan iyo faraca garoowe gaar ahaan, waxaana sheekha la dilay isaga oo madax u ah guddiga aasaasayaasha ee jaamacadda barika afrika oo ilaa lix farac ku leh magaalooyinka qardho, garoowe, gaalkacyo, galdogob, laacaanood, buuhoodle iyo ceerigaabo, waxaana  intaas sii dheer xarunta boosaaso oo asalkii ah,ardayda jaamacadda sanadkan dhigatana waxaa lagu qiyaasay ilaa 2500 oo arday waxaana horay uga qalin jabiyay kumanyaal maanta ka shaqeeya howlo badan oo umaddu u baahantahay.

Sidoo kale waxaa walwalkii iga yaraaday markaan xusuustay in sheekhu ka tagay rag xilkas ah oo awdi doona furintii uu banneeyay inshaa allaah, iyaga oo ka tilmaan qaadanaya aqoontii ay sheekha ka dhaxleen iyo dardaaranadii uu uga tagay, sheekha raadka ka hadhay inta aan soo sheegnay kaliya kuma koobna ee wuxuu raad muuqda kaga tagay dhammaanba dacwada islaamiga ah ee soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in aan la waayi doonin rag u qalin qaada in ay wax ka qoraan taariikhdii dacwadeed ee sheekha iyo raadka wanaagsan ee uu ka tagay alle ha u naxariistee.

Ilaahay sheekh c/qaadir ha u naxariisto waajibkii saarnaa intii tabartiisa ah wuu gutay waxaase howli ku hadhay dadkii wax ka bartay oo laga rabaa in ay xilkii uu umadda u hayay halkiisii ka sii wadaan:

 

 W/Q Xassan Maxamuud Ibrahim Abu Xassan

Halgan.net, Boosaaso

 

Leave a comment

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online