Golaha Ammaanka ee QM oo xayiraadka hubka Fudud ka qaaday Soomaaliya
March 6, 2013 - Written byNew York:-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka qaaday Soomaaliya xayiraad hubka nooca Fudud muddo sanad ah waxaaana xayiraada hubka uu saarnaa Soomaaliya mudo ka badan 20sano markii ay dhacday dowlada dhexe ee Soomaaliya .
Golaha Ammaanka ayaa ka dooday, waxaana markii danbe 15-ka xubnood ay isku raaceen in Soomaaliya laga qaado cunnaqabateynta hubka fudud waxaana dib loo dhigay hubka noociisa waaweyn waxaana la kordhiyey sidoo kale mudo sanad ah howlgalada ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ka wada howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Raisul wasaare DFS Cabdi Faaraxc Shirdoon ayaa soo dhaweeyey ka qaadista hubka Fudud Soomaaliya waxaana uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay DFS xili ay Maamulka S/land iyo Puntland ay ka soo horjeesteen in xayiraada hubka laga qaado Soomaaliya.
Dawlada Soomaaliya ayaa golaha amaanka waxaa uu ugu baaqay in ay xakameyso hubka soo gali doona gacanteeda waxayna ugu baaqeen in hubka fudud ee laga qaaday Soomaaliya uusan gacanta u galin kooxaha ka soo horjeeda DFS ee Al-Shabaab iyo maleeshiyo qabaa,ilka taas oo keeni karta amni xumo .
A/Cawale
Halgan.net