Gudoomiyaha gobolka Nugaal dhawaan ayaa Maxkamada la soo taagi doonaa kuwii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax

March 12, 2013 - Written by

qarjabGaroowe:-Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo maanta la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan maxkamada la soo taagi doono gacan ku dhiiglayaashii dilka u geystay Allaha u naxariistee Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo lagu dilay 15 Febaraayo masjidka Badar isagoo ku dhex jiray salaadii casar rakcadeedii 3aad. Dilka Sh Cabduqaadir Nuur Faarax allaha u naxaristee ayaa loo hayaa gacan ku dhiiglihii falka geystay iyo kuwii qaybta ka ahaa dilka Shiikha waxaan lagu kala qabtay magaalooyinka Garoowe,Boosaaso, Laascaanood iyo meelo kale ,waxaa kale oo jira dad gaaraya ilaa 50 qof oo loo hayo tuhun ku saabsan in ay wax ka abaabuleen dilka Shiikha ama ay taageerayaal u yihiin ururka Al-shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa waxaa kale oo xusay in ay adkeeyeen amaanka Gobolka Nugaal iyo caasimada Garoowe ayna shirar kale duwan la yeesheen bulshada kale duwan ee ku nool Gobolka Nugaal la islana gartay in lala shaqeeyo laamaha amaanka ee ciidanka Puntlland. Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa waxaa uu ugu baaqay bulshada ku nool Puntlland in ay foojignaadaan oo qofkii ay ka shakiyaan amase ay aqoon ay u soo sheegaan ciidanka amaanka  si looga hortago falalka Amaan darida ah.

Ilaa intii dilka loogu geystay magaalada Garoowe Sh cabduqaadir Nuur Faarax ayaa dad wey naha qaybihiisa kale duwan waxaa ay bilaabeen in si toos ah ula shaqeeyaan ciidanka amaanka iyagoo dad badan oo laga shakisan yahay ay qabteen ciidanka Booliska iyo kuwa sirdoonka haddana lagu hayo Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online