Heshiis dhexmaray East Africa University(EAU) iyo Islamic University in Ugandha(IUIU).[Daawomasawirada]
March 3, 2013 - Written byKampala:-Waxaa dhawaan socdaal shaqo ku yimid dalka Uganda gaar ahaa caasimada dalkaas ee magaalada Kampala guddoomiye ku xigeen ka Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso Dr Dayib Cali Maxamed, Guddoomoyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Ardayda jaamacad daha iyo waxgaradka kale duwa ee ku nool magaalada Kampala isagoo watrbixn ka siiyey Jaamacadda Bariga afrika ee Boosaaso.
Haddaba Taariikhdu markay ahayd ayaad 26/02/2013 ayaa waxaa hishiis is afgarad(MOU) ku kala saxiixday magaalada Kampala ee wadanka Uganda labada Jaamacadood ee kala ah East Africa University(EAU) iyo Islamic University in Ugandha(IUIU). Heshiskaas oo ku saabsan sidii IUIU ay uga hirgalin lahayd xarunta EAU ee Boosaaso waxbarashada ka saraysa shahaadada 1aad (Bachelor).
no images were found
Heshiiskaan ayaa waxaa dhinaca EAU u saxiixay Gudoomiye ku xigeenka EAU Dr. Dayib Cali Maxamed halka dhinaca IUIU uuu u saxiixay dhigiisa Dr Mouhamed Mpezamihigo. Heshiiskan ayaa noqonaya mid wax weyn ka badala waxbarashada guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland, kaasoo u fududaynaya in arday badan oo awoodin in ay waxbarsho u aadaan wadanka dibadiisa ay helaan fursad ay kusii wataan waxbarshadoodii.
Sidoo kale heeshiiskani wuxuu wax badan ka tarayaa dhamaan shaqaalaha oo fursad u helaya in ay iyagoo shaqadoodii wata ay sii kororsadaan aqoontooda. Jaamacada EAU ayaa ah Jaamcada ugu da’da wayn uguna wax soo saarka badan deegaanada Puntland waxaan ay ilaa hadda guul la taaban karo ay ka gaareeb in ay daboolaan baahida ardayday ku nool dalka gudihiisa, Waxaa kale oo fursad ay siiyeen jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaso in ardayda ka qalan jabisa shahaadada 1aad (Bachelor) ay fursada u hellaan in ay sii wataa waxbarashadooda.
Heshiiska ay kala saxiixdeen labada Jaamacadood ee East Africa University(EAU) iyo Islamic University in Ugandha(IUIU) ayaa ah guul weyn waxaan barmaamijka heshiiskaan uu bilaaban doonaa bisha lixaad ee sanadkaan 2013.
Halgan.net