Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Abubakar Sadiiq dilka iyo Dhiiga culumada (Video +Cod)

March 5, 2013 - Written by

UmalNairobi:-Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa maanta  mar kale  ka hadlay in hadaf ka dhigashada Culimada ay tahay fitnada ugu daran ee dalka soo martay.Sh. Umal oo Jimcadii hore bilaabay khudbo uu uga hadlayo khatarta ay leedahay in hadaf laga dhigto dhiigga Culimada, ayaa maanta qeybta labaad halkiisii ka sii waday.

Muhiimadda Culimada

Sheekha ayaa sheegay in Culimada ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee bulshada, isagoona carrabka ku adkeeyey in dhimashooda ay tahay dhimashada Cilmiga iyo weliba dhimashada umadda.

Jihaadka iyo dhiigga Culimada

Sheekha ayaa sheegay in Jihaadku yahay mid lagu kor yeelo kalmadda Illaahay, isla markaasna lagu ilaaliyo nafta iyo sharafta Muslimiinta, isagoona intaas ku daray inuusan Jihaad Illaahay aheyn mid dhiigga Muslimiinta lagu baneysanayo.

Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa sheegay dhiigga dadka Muslimiinta ah ay aad u xormeysay shareecada Islaamka, wuxuuna tusaalayaal u soo qaatay Saxaabo ku khaldantay dad Islaamka qiray, kuwaasoo Nabigu NNKH uu meel adag iska taagay.

Sheekha, ayaa sheegay inay tahay wax aad looga fajaco in la fatwoodo, lana fuliyo dhiig qof Caalim ah oo diinta Islaamka barashadeeda iyo u adeegiddeeda ku cirroobay, wuxuuna sidoo kale wax laga muruguudo ku tilmaamay inay dad ku farxaan leynta Culimada.

Halkan ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Sh Maxamed Cabdi Umal dilka iyo Dhiiga Culumada

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/upxwpdv0iw/khudbadi_jimcaha_sh_maxamed_umal_kadigitaanka_dhiiga_culumada.mp3″] Ama  Halkan Mp3

Ugu dambeyntii Sheekha, ayaa sheegay in Khudbadu sii socon doonto, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in qof Imaan ku jiro uusan ku dhiirran karin inuu u bareero dhiig qof Caalim ah.

Hoos Ka Daawo Khudbadii Jimcaha ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal uga hadlay dilka culumada iyo dhiiga muslinka.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online