Kulan dhexmaray Odayaasha iyo waxgaradka South Afrika iyo AL Bayaan

March 10, 2013 - Written by

DSC03059Johannesburg:-Waxaa shalay oo taariikhada ay ahayd 08/03/2013 bacdal maqrib ka dhacay hoolka shirrarka xarunta ALBAYAAN kulan ay isugu imaadeen odayaasha hogaanka u ah soomaalida iyo majliska dacwada ee AL BAYAAN ee ka dhisan dalkan koofur afriko, kulanka waxa uu ka dhacay xarunta majliska ee JOHANNESBURG

Kulanka odayaasha waxaa ku wehliyay qaar ka mid ah xubnaha la shaqeeya, kulankaas waxa uu ahaa ujeedadiisa in lagu soo bandhigo waxqabadka AL BAYAAN  sanadihii ay jirtay iyo waxa ay bulshada u hayso oo ah dhamaan howl ay qabsadeen bulshada soomaalida ee koofur afriko,

Waxaa kaloo kulanka ka mid ahaa ujeedooyinkiisa in lagu soo bandhigo qorshaha cusub ee gudiga dacwada ee goboladan GAUTENG ee koofur afriko, iyo in ay isbartaan odayaasha gudoomiyaha cusub ee gudiga dacwada SH. MAXAMED AADAN C/LLE

no images were found

Ugu horayn waxaa xafladii qur,aan ku furay  MACALIM  BASBAAS oo ka mid ah macalimiinta dugisiyada AL BAYAAN, ka dibna waxaa soo dhaweeyay odayaasha oo u mahadceliyay SH. C/SAMAD SEED OO kamid ah majliska sare ee albayaan asagoo ku hadlaayay magaca amiirka guud MAJLISKA ALBAYAAN  SH. XASAN GUURE oo ku maqnaa safar,

Intaa ka dib waxaa la soo bandhigay waxqabadka albayaan oo lagu soo bandhigay aalada PROJECTIGA oo warbixinta waxay ku soconaysay qaab sawiro ah iyo warbixin uu daadihinaayay SH. AXMED DHEERE  oo isna ka mid ah majliska sare ee albayaan ahna xogahaya guud ee majliska al bayaan, warbixintaa oo aad loogu bogay dadkana dib u xasuusisay waayihii dheeraa ay soo martay dacwada soomaalida ee al bayaan ay mas,uulka ka tahay ee wadankan koofur afriko,

Ka dibna waxaa hadalkii qaatay SH. MAXAMED AADAN C/LLE oo dhawaan loo magacaabay madaxa dacwada gobolada GAUTENG , waxaa uu marka hore uu madaxa dacwada ku dhiiri geliyay waxqabadka wayn ee ay qabsadeen dadka soomaalida dhinaca dacwada oo ay mas,uul uga tahay ALBAYAAN waxaana uu xasuusiyay hadii waxqabadkaa aan la sii adkayn in horumarkan dacwiga ee balaaran uusan sii jiraynin, waxaa kale uu si kooban u soo bandhigay qorshihiisa dacwiga lixda bilood ee soo socoto oo runtii ay aad u soo dhaweeyeen odayaasha

Intaa ka dib waxaa ay ku soo wareegatay hadalkii odayaashii la martiqaaday ayagoo si fiican u soo dhaweeyay waxqabadka balaaran ee majliska al bayaan ay ka qabteen dacwda iyo waliba samafalka gudaha koofur afriko iyo dalkii soomaaliyaba, oo runtii si wayn ay dadka soomaalida ee koofur afriko ugu gurmadeen xiligii abaarta ee 2011kii ayagoo mucaawinada u sii mariyay majliska AL BAYAAN oo gaarsiiyay dalka soomaaliya, waliba meelo aysan tagin cid kaga horaysay oo aad xaalku u ahaa halis, meelahaas oo ay ka md ahayd KUNTUWAAREEY, BU,AALE,

Odayaasha meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa,  SULDAAN QOOQAANI,  UGAAS SHARIIF GARWAYNE, SULDAAN CUKAASHE,  AQOONYAHAN FARXAAN C/SAALN, UGAAS IBRAAHIM QAXWE, SHEEKH SHUCAYB, SHEEKH C/RAXMAAN BULUGULMARAAM iyo odayaal kale oo ah odayaasha hogaanka u ah beelaha soomaalida dadka jooga koofur afriko,

Ugu danbaystii waxaa ay majliska al bayaan ay aad u soo dhaweeyeen talooyinkii faraha badnaa ee meesha laga soo jeediyay ee odayaasha ay u soo jeediyeen gudiga dacwada iyo si guud majliska al bayaan, waxayna ay sheegeen in dhamaan talooyinkaas ay hirgelin doonaan hadii allah yiraahdo, waxaana lagu balamay in si joogta ah hada ka dib xiriirka odayaasha iyo majliska dacawada uu joogto ahaado,

Ugu danbaystii waxaa soo xiray shirka SH. C/RISAAQ MOWLAANAA oo ahaa xiriiriyihii barnaamijka ahna mid ka mid ah gudiga sare ee majliska al bayaan, waxaa kaloo goob joog ka ahaa madasha, SH YUUSUF, oo kamid ah gudiga sare ee al bayaan, IYO MACALIM CALI IBRAAHIM CALI oo ah gudoomiye kuxigaha gudiga dacawda iyo madaxa waxbarashada AL BAYAAN

Waxaa diyaariyay gudoomiyaha gudiga dacwada ee gobolka gauteng (koofur afriko)

Sh. MAXAMED AADAN C/LLE
JOHANNESBURG    SOUTH AFRIKA

1 Comment so far

Leave a comment

  1. maashaa’allaah sheekh maxamed adam juhdi wayn baad wadaan ilaah haydin barakeeyee

Leave a comment

*