Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi oo sheegay in uu taageeri doono DFS

March 27, 2013 - Written by

mursiQadar:-Madaxweyne Mursi oo ka hadlayey shirkii Jaamacadda Carabta , ayaa sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad kala guur ah, wuxuuna carrabka ku dhajiyey in baahi weyn loo qabo sidii Soomaaliya loo gacan qaban lahaa, isagoona si gaar ah hadalkaas ugu soo jeediyey dalalka Carabta.

Madaxweynaha Masar, ayaa sheegay inuu Soomaaliya dalkiisu ka taageerayo dhinaca dibu u dhiska ciidanka iyo gacan ka geysashada ammaanka waddanka Soomaaliya.

Maxamed Mursi, ayaa sheegay in dalkiisu waligiisba garab taagnaa dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay sii wadayaan garab taagnaantooda waddanka Soomaaliya, wuxuuna dalalka kale ee Carabta ugu baaqay inay taageere dhaqaale u fidiyaan Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha Masar, ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero siyaasadeed ka heshay inta badan dalalka caalamka.

Somali Real/Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online