Mu’tamarkii dacwada ee koowaad oo shalay ka furmay Kampala

March 30, 2013 - Written by Editor

picKampala:-Galabta salaaddii casar ka dib waxaa Masjidka Towxiid ee magaalada Kampala ee caasimada Uganda ka furmay mu’tamarkii 1aad ee dacawiga ahaa ee loogu magac-daray  (hagaajinta bulshada). Mu’tamarka waxaa lagu furay aayado Qur’aan ah oo uu akhriyay C/raxmaan Ismaaciil Warsame oo ah arday dhigta dugsiga Qur’aanka ee Markaska Towxiid oo da’diisu tahay 9 sano jir. Ka dib waxaa madasha ka hadlay imaamka masjidka Towxiid Sh. Maxamad Sheekh C/wali oo soo dhoweeyay dadweynaha faraha badan ee mu’tamarka soo xaadiray rag iyo dumarba, ka dibna waxaa taariikhda dacwada ee wadanka Uganda soo jeediyay Sh. C/raxmaan Qaasim oo ka warbixiyay culimadii soomaaliyeed ee magaaladan dacwada ka soo wadi jiray iyo heerarka uu markaska Towxiid soo maray.

Intaa ka dib waxaa ujeeddooyinka mu’tamarka iyo hab socodkiisa ka hadlay Sh. Ibraahim Xirsi Galow oo ku hadlayay codka guddiga qabanqaabada mu’tamrka. Furitaankii shirka ka dib waxaa muxaadaradii 1aad qaatay Sheekh Yuusuf Aadan oo ka hadlay “qabyaaladda iyo xumaanteeda” , waxaana ku xigi doona darsi uu jeedin doono Sh. C/raxiim Abuu cayneyn oo ku saabsan “walaalnimada islaamka” . Makhribka ka dibna waxaa bixi doona labo darsi oo ay kala jeedin doonaan sh. Maxamad Cali Gadhle iyo Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

Mu’tamarkan waxaa kale oo duruustiisa ka qayb qaadan doona Sh. Maxamamuud Axmad Xasan ( abuu shayba), Sh. Maxamad yamani iyo Sh. Abuu xasaan, waxaana lagu wadaa in mu’tamarku socon doono ilaa 4 maalmood, duruustuna waxay ka bixi doontaa masjidka Towxiid iyo hoolka Jaamacadda Bariga Afrika.

Somalireal.com/Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online