Qarax xalay ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Bay

March 20, 2013 - Written by

qaraxDiinsoor:-Waxaa xalay salaadii Makhrib ka dib ka dhacay xero ciidan oo ay ku leeyihiin ururka Al-shabaab degmada Diinsoor qarax ka dhashay gaari lagu diyaarinayey walxaha qarxa si loogu bartilmaamsado ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiyaa ee ku sugan Gobolka Bay iyo Bakool.

Qarax ayaa waxaa uu ka dhacay xero ciidanka Al-shabaab u isticmaali jireen dhinac ciidanka waxaan qarax ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka ka tirsan Al-shabaab iyo masuuliyiin wallow weli khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay ay ka soo baxayaan warar kale duwan.

Qarax ayaa waxaa kale oo uu khasaaro gaarsiiyey gaadiid ay lahaayeen Al-shabaab oo yaalay xarunta uu qaraxu ka dhacay, Ciidanka Al-shabaab ee qarax ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka degmada Diinsoor ee Gobolka Bay. Ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay xero ciidan oo ay lahaayeen Al-shabaab iyo khasaaraha ka dhashay iyo wax sababay qarax.

A/cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. odayaasha diinta ku cirroobay ee la gawrgawracayo ilaahay dhiigooda inuu baylihinayo miyaad u maleyneysee, iyo dhagarta loo maleegayo shacabka soomaaliyeed, soomaalidu waxay tiraahdaa boholo khayaamo ha qodin hadaad qodidna ha dheereyn, ku dhici doontaana lama ogee..

Leave a comment

*