Ra’iisal Wasaaraha oo guul ku tilmaamay socdaalkii uu ku tagay gobalo kala duwan

March 12, 2013 - Written by

IMG_4050Gaalkacyo:-Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo manta soo gabo-gabeeyay kormeer sadex maalmood qaatay oo uu ku soo maray maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa ku tilmaamay socdaalkiisa guul dhanka arrimaha gudaha iyo amniga laga gaaray.

“Safarka aanu ku soo kala bixinay gobollada dalka iyo guulihii is afgaradka lahaa ee aanu ka gaarnay, waxay muujinayaan in dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooduba ay u heelan yihiin in ay si buuxda ula shaqeeyaan dawladda federaalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha ayaa socdaaladiisa gobollada ku tilmaamay kuwo muujinaya sida dawladdu diyaar ugu tahay inay shacabkeeda dhagaysato lana socotto xaaladooda mid nololeed iyo dhaqan dhaqaalaba.

“Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dadkeeda dhegaysato, dhibaatooyinka haysta u kuur-gasho, rabitaankooda ku shaqayso, xalkana halkaas ka raadiso”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaqaruhu, asagoo intaas ku daray inay qorshaha ugu jirto in booqashooyinka la sii wado oo dawladdu booqato dhamaan gobollada Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in socdaalkii dawladdu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad dhan walba laga gaaray. Waxaa uu sheegay inay shacbiga iyo maamuladu muujiyeen taagerada weyn ee ay u hayaan dawladda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in iskaashi buuxa oo dhan walbaa la yeesho.

“Ummadu waxay doonaysaa in la dar-dar galiyo hirgalinta nidaamka federaaliga ah, ayadoo dastuurka lagu salaynayo. Waxayna soo dhaweeyeen cunnoqabatayntii laga qaaday Soomaaliya ee waqtiga dheer saarneyd, ayagoo arka baahida looqabo dhismaha ciidan qaran oo tayo,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu

Marka la eego dhanka nolosha dadka ayuu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in uu jiro wal-wal laga qabo qiimo dhaca ku yimid Dollarka iyo in dawladdu ka hawlgalayso sidii loo heli lahaa Shilling Somaali cusub. Asagoo intaa ku daray in shacbigu dalbadeen habcanshuureed midaysan ayna dawladdu dajisay sharciga jaangooyada cashuuraha dalka oo dhawaan lagu wado inuu dhaqan galo.

“Sadex bilood gudahood wax badan baan ka qabanay balanqaadyadii dawladda, waxaana balan qaadaynaa inaan labo jibaarno dadaalka aan ugu jirno nabada iyo horumarka dalka iyo ummada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Dhamaan

Ahmed Adan

Madaxa Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online