Ra’iisul wasaaraha DFS, Cabdi Faarax Shirdoon oo beri la filayo in uu yimaado Kismaayo
March 25, 2013 - Written byKismaayo:-Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la filayey in ay maanta soo gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo arrinkaas ay ugu wacan tahay in Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu safar ku aaday Dalka Qatar halka guddoomiyaha baarlamaanka DFS Jawaari uu ka maqan yahay magaalada Muqdisho isagoo maalin ka hor safar shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa la filayaa in maalinta beri ah uu safar ku yimaado magaalada Kismaayo isagoo kulamo la qaadan doono maamulka ku meel gaarka ah iyo odayaasha dhaqanka ee shirka maamul u samaynta uu uga socdo magaalada Kismaayo.
Wararka soo baxaya ayaa sheegay in wafdi wasiiro ah oo shalay gaaray magaalada Kismaayo aysan wax kulan la yeelan maamulka ku meel gaar ka ah ee Kismaayo arrin kaas oo uu wax kama jiraan ku tilmaamay Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo ee Cabdinaasir Seeraar.
Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo ee Cabdinaasir Seeraar ayaa waraysi uu siiyey VOA sheegay in wasiirada soo gaaray Kismaayo ay kulamo la yeesheen oo gudiyo farsamo oo u gogol xaara imaanshaha Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid howshuna wax ay u socotaa si wanaagsan.
Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo ee Cabdinaasir Seeraar ayaa sidoo kale sheegay in wararka iyo dilalka ka dhacay Kismaayo ay tahay wax la buun buuninayo oo waxba aysan ka jirin amniga magaalada Kismaayana waxaa uu ku sheegay mid sugan oo ka wanaagsan meelo badan.
Cabdi Yare
Halgan.net