Ra’iisul wasaaraha DFS oo booqday Dekkadda Kismaayo.[Daawomasawirada]

March 28, 2013 - Written by Editor

KismaayoRa’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa waxaa uu saaka kormeer howl ku soo bixiyey dekkada weyn ee magaalada Kismaayo iyadoo ay la socdaan wafdi wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha  Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi halka maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo uu hogaaminayey guddoomiyaha ku meel gaarka ee maamulka Kismaayo Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa kormeerkiisa waxaa uu u jeedadiisu uu ahaa bal in uu soo arko qaabka ay dekkada magaalada Kismaayo ay hadda u shaqayso iyo wax shaqo ee hadda ka socda. Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa markii uu booqday Dekkada weyn ee Kismaayo waxaa uu ku arkay ilaa dhowr iyo toban doonyooda oo alaabo kale duwan laga dejinayo,  Dekkada magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay magaalada u jirtaa ilaa 17 KM waa Dekkada weyn oo caalami ah wallow burbur xooggan uu ka soo gaaray dagaaladii sokeeyey.

no images were found

Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa waxaa kale oo kormeer uu ku tegay xerada Shiirkole oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa DFS  iyo kuwa Raaskaamboonin waxaan uu kulamo la qaatay Saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa Raaskaamboonin.

Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa la filayaa in maalinta beri ah uu dib ugu laabo magaalada Muqdisho mana jirto ilaa hadda wax is afgarad ah oo ay wada gaareen Wafdigii Ra’iisul wasaaraha DFS iyo maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo.

 

Cabdi Yare
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online