Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Cambaareeyey Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

March 1, 2013 - Written by

IMG_7605Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii maanta ka dhacay Makhaayad ku dhow xeebta liido halkaas oo ay ku dhaawacmeen todoba qof.

“Argagixisadu waxay caadaysatay inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna hadda u muuqdaan inay yihiin naf lacaari marba hadii dagaalkoodii ku soo ururay inay dhalinyaro la marin habaabiyey qaraxyo ku soo rakibaan, waxaan u sheegayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga midoobo la dagaalanka Argagaxisada, maxaa yeelay maahan kuwo beegsanaya Dowladda oo qura ee waxay beegsanayaan shacabka qaybihiisa kala duwan” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Saacid

Ugu danbayntii Ra’iisul  wasaaraha ayaa Eebe uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii maanta. Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan si looga hortago cadowga duulaanka ku soo qaaday.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online