Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo dib ugu Laabtay Muqdisho(Daawo)

March 12, 2013 - Written by

IMG_3756Muqdisho:-Ra’isul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon  iyo wafdigii uu hogaaminayey  ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu socdaal shaqo ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland iyo Galmudug wuxuuna kulamo kala duwan la soo qaatay Raisulwasaare Saacid madaxda iyo waxgaradka Puntland iyo Galmudug.

Raisulwasaare Shirdoon ayaa markii uu caawa soo gaaray magaalaa Muqdisho waxaa uu warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde wuxuu sheegay in guul uu ku soo gaba gaboobay safarkii ay ku tageen  magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Raisulwasaare Saacid ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Maamulada Puntland iyo Galmudug wuxuuna amaan u soo jeediyey sida ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayey Raisuwasaare Saacid.

Raisulwasaaraha DFS ayaa horey socdaal ku tagay Degmooyinka Dhuusamareeb ,Guriceel,iyo Cadaado wuxuuna uga mahad celiyey masuulinta deegaanadaas sida ay diyaar ugu yihiin dowlada wuxuuna balan qaaday in xukuumadiisa ay garab istaagi doonto.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online