Sarkaal ka tirsan DFS oo sheegay in la wareegeen deegaanka tuulo Barwaaqo
March 12, 2013 - Written byGedo:-Saraakiisha ciidamada DFS ee Gobalka Gedo ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka tuulo Barwaaqo oo ka tirsan Gobalka Gedo ka dib markii halkaas uu ka dhacay dagaal kooban
Col.Cismaan Nuux Xaaji oo kamid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda federaalka ee Soomaaliya ee gobalka Gedo ayaa warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho u sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen deegaanka deegaanka Tuulo Barwaaqo ayna ciidanka Al-Shabaab ka dileen dhowr askari .
Guusha ay sheegteen saraakiisha ciidanka DFS ee gobalka Gedo ayaa jirin cid ka madax banaan DFS oo xaqiijin karta balse waxaa la xaqiijiyey in dagaal uu shalay halkaas ka dhacay deegaanka tuulo Barwaaqo oo ka tirsan Gobalka Gedo.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net