Sh Cabdi Qani Qorane oo Tacliiqiyey Khudbadii Jimce ee Masjidka Rowda ee Boosaaso[Dhagayso]
March 12, 2013 - Written byB
oosaaso:-Shiikh Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah culimadii iyo ducaadii ka qayb qaatay Nadwadii ka dhacday magaalada Boosaaso ee looga digayey xadgudubka diineed ayaa maalintii Jimce waxaa uu tacliiqiyey khudbadii Jimce isagoo ka hadlay dadka duulaanka ku ah Masaajida iyo culimada diinta Islaamka xanbaarsan wuxuun ugu baaqay bulshada reer Boosaaso in ay ka taxadaraan kooxda Al-shabaab ee Masaajida alle ku weeraray Bambooyinka.
Sh Cabdi Qani Qorane ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay mowqif adag ka qataan kooxda al-shabaab ayna ka hortagaan sababta oo ah waxaa ay dagaal ku iclaamiyeen culimadii diinta Islaamka xanbaarsan iyo shacabkii muslinka ahaa ee Soomaaliyeed , Sh Cabdi Qani Qorane ayaa sheegay in aysan ogayn goorta ay reer Boosaaso gaaloobeen ama shacabka Soomaaliyeed oo uu dhiigoodu uu banaanaaday.
Culimada, ducaada badan oo ka sii jeeday falalka gurac oo ay ku kacayaan kooxda al-shabaab ayaa hadda bilaabay in ay si toos ah uga hadlaan Masaajida iyo goobaha waxbarshada kale duwan iyagoo qaarkood hubka qaatay oo hadda waardiye adag ka haya culimadooda iyo goobaha waxbarashada diinta iyo Masaajida
Hoos ka Dhagayso kalimadii Sh Cabdi Qani Qorane uu ka jeediyey Masjidka Rowda
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/a1dfkubbdc/kalmada_sh.cabdiqani_qorane_ee_salaada_jimcada_kadib.mp3″]Halgan.net

.gif)

