Sheekh Maxamuud Shible oo muxaadaro ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada Jigjiga(Dhageyso)
March 2, 2013 - Written by
Jigjiga:-Sh. Maxamuud Shibili ayaa xalay waxaa uu muxaadaro ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada Jigjiga oo ah xarunta degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Sh.Maxamuud Sh.Maxamed Shible ayaa maalmahaan waxaa uu ku suganaa Magaalada Jigjiga waxaan uu muxaadaraad kale duwan ka jeediyey masaajido kale duwan. Dadweyne aad u fara badan ayaa soo xaadiray Muxaadarada uu xalay Sh.Shibili ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada JigJiga waxaan uu Shiikhu muxaadaradiisa ugu magacdaray [Aadaabta Fatwada ] oo runtii ah mowduuc muhiim ah in si fiican loo daraaseeyo ayna xadgudub badan ay ku sameeyeen kooxo iyo shaqsiyaad habawsan.
[nggallery id=418]
Sh.Shibili ayaa dadweynihii dhagaysanaya muxaadarada waxaa uu uga digay in dadku ay dhex galaan arrmo aysan wax ka garanaynin ama aysan cilmi u lahayn isagoo ugu baaqay in masaaisha waaweyn loo daayo culimada waaweyn ee ehelka u ah. Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu xusay in danbi weyn ay tahay in qofku uu dhexgalo wax uusan cilmi u lahayn arrinkaas oo loo baahan yahay in laga digtoonaado. Sheekh Shibili ayaa markii uu dhameeyey muxaadarad ayaa waxaa ay dadweynihii dhagay sanayey muxadarada waxaa ay su.aalo wiidiiyeen Sheekha isagoo dhamaan ka jawaabay su,aalihii ay dadweynuhu soo gudbiyeen.
Sh Maxamuud Shibili ayaa maanta waxaa uu muxaadaro ka jeedin doonaa Masjid Al-raxmah iyadoo muxaadarada ay khaas u tahay dumarka. Sheekha ayaa waxaa la filayaa in uu in mudo ah sii joogi doona magaalada JigJiga isagaa duruus iyo muxaadaraad kale ka jeedin doona.
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/68905wb9ty/fatwa_shible.mp3] Ama Halkan MP3
Halgan.net

.gif)

