Shaqi weeye jaalkayoow Shiikha kii dilaye!W/Q Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.

March 1, 2013 - Written by

maqaal1Boosaaso:-Sh.C/qaadir Nuur Faarax AUN wuxuu ahaa caalim, wuxuu ahaa macalin aad u xikmad badan, wuxuu ahaa faqiih rabbi ku manaystay inuu dhuuxo nusuusta kitaabka iyo sunnaha, wuxuu ahaa barbaariye turriin badan oo jecel wanaagga muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan soomaalida.

Wuxuu ahaa daaci u weel qaaday isagoo da’yar in la saxo waxa ka khaldamay ummadda oo diin ah, wuxuu ahaa walaal naxariis badan oo bulshay ah, marna Aabbe jecel in si isku mid ah uu isugu hawlo danaha bulshada oo dhan.

Wuxuu ahaa nin aad ugu xeel garashada iyo odoroska waxa soo socda, wuxuu ahaa ruug caddaa ku cirroobay fidinta diinta islaamka, wuxuu ahaa nin si mug leh u fahansan siyaasadda sharciga ah.

Run ahaan lama soo koobi karo tilmaamihii wanaagsanaa ee shiikha, waxaase lagu xusuusan karaa sida uu uga mid ahaa amaba hormuudka ugu ahaa raggii u sal dhigay dacwada salafiga ah ee ka hana qaadday Soomaaliya, waxaa kale oo uu baal dahab ah ku galay sida uu uga hortagay mabaadii’dii qalloocnayd ee laga soo raray adduun waynaha sida shuuciyaddii ama markisayadii soomaaliya ku soo daacday xilligii meletariga.

Waxaan iyana la illaawi Karin sidii mugga lahayd ee uu tooshka ugu ifiyay fikraddii takfiirka, taas oo ka soo askuntay xilligaan dhow dalka Masar kaddib markii Jamaal C/naasir uu xabsiga ku uruurshay ardaydii madarasdii ikhwaanka, isla markaasna si adag loogu caddibay xabsiyada dhexdooda, waxaana hindisaha cusub ee fikradda takfiiriga ah lahaa nin la oran jiray Shukri Mustafa.

Shiikhu wuxuu ahaa shakhsi mar walba jecel toosnaanta waxa uu nebcaa qallooca iyo xad gudubka, wuxuu ahaa geesi aan xaqa cidna uga leexan xataa hadday tahay cidda uu la hadlayaa saaxiibadiis, waxaana marag ugu filan sida uu uga horyimid dagaalladii dhexmaray Itixaadkii iyo Jabhadihii soomaalida, dagaalladaas oo uu shiikhu ugu mudnaa culimo badan oo u arkaysay in aan maslaxad lagu gaarayn, sidoo kale habdhaqankii maxaakimta ee ahaa aan roorno oo jabinno ayuu shiikhu waxa uu u arkayey in sida wax loo wado ay tahay si aan dheellitirnayn oo ka fog sunanka kawniga iyo kuwa sharciga ah, waana la ogaa sidii aan loo mahadin orodkii xawliga ahaa ee aan sida fiican loogu arrimin.

Gurboodkii yaryari talada waa, guhaguheeyaane.

Waxaan iyadana la illaawi karin sida uu sheekhu u iftiinshay qallooca xarakada Al-shabaab iyo sida ay uga fogaadeen dhedhexaadnimadii Ahlussunaha, isla markaasna u fududaysteen dhiigga muslimiinta, waxa uu aad uga hadlay dadka maalin walba, habeen walba lagu laayo xatabadaha masaajidda taas oo ugu dambayn sababtay in la dilo Allaha u naxariistee.

Haddaba ma mudnaa shiikhaas cimrigiisu ahaa sadex iyo todobaatan jir kuna gamaaray cibaadada, khayrka iyo fidinta diinta isaga oo ku jira masjidka gudihiisa, ku jira jamaacada, tukanaya salaadda casarka xilli malaa’igtu ay is baddalayso, hortaagan rabbigiis, ku jira rakcaddii sadexaad, ka soo kacay rukuuc, leh samicallaahu liman xamidah in uu jeegada ka toogto wiil yar oo jaahil ah oo masjidka kabaha la soo galay.

Alla dakhalka jabay aan waqii, laga dawoobaynin.
Run ahaan waxaa saas yeelay waa shaqi qalbigiisu madowyahay, aan lahayn diin iyo damiir midnaba, waxaa la mid ah kuwa soo diray, kan soo dhaweeyay iyo kan ku farxay falkaas aadka u liita.
Nin malaasan iyo jaahil waa, marin habaabaane
Hadduu macangag yahay ruuxu waa, meesi kaa lumaye.

Kooxdaan caadaysatay dilka haldoorka ummadda, gaar ahaan culimada waa dad marin habaabay, oo ka leexsan dariiqii toosnaa, waxaana ku kadsoomaya dad silloon oo ama ah xukun doon ama manfaca doon ama ah maangaab.

Tusmadii ka bayrtiyo halkii, idinku toosnaaye
Tahna midaan ogayn buu, khatali tamashlihiiniiye
Waxaa tahan idiin garan, ninkii tagay rugtiiniiye.

Aniga waxaa iiga daran kuwa dilay shiikha ee arxan laawayaasha ah, kuwa ku faraxsan ama si dadban ugu diirsaday ee leh shiikhu asagaa baray nimankaan waxa ay samaynayaan, oo haddana waliba ku abtirsada dhaqdhaaqyo islaamiyiin ah, kuwaas oo aad mooddo in xasad qalbiga kaga jiro oo uu indho tiray.

Adduunyadan ninkeedii gardaran, lagu gargaaraayo
Adduunyadan ninkii godobta qabay, garab la siinaayo
Ee laga gabbaanaday kuwii, gudan lahaa aarka
Gu’ ma jirin ninkii taa waqtigan, godol ka eegaaye.

Qolyahaan aan sheegayo waa qolyo ka soo horjeeda kuwa dilaya culimada mabda’ ahaan, laakiin si dadban kuu oranaya alaylehe, maalin dhawayd ayaa nin wuxuu afcarabi ku yiri ninkii qodax beertaa canab ma gurto, taas oo uu ula jeedo in culimada la laynayaa ay beereen kuwa laynaya taas oo ah been aan raad lahayn, Kuwa saas lihina waa ogyihiin inay been sheegayaan laakiin waxay is leeyihiin dadka khaldda oo qaab kale culimada mar labaad idinkuna u madaxgoosta, laakiin ha ogaadeen dadku caqli bay leeyihiin waana garan karaan carrabka dalabta leh, sidoo kale culimadii wali waa noolyihiin ee ma dhamaan xertoodiina waa joogtaa shacabka soomaaliyeed ee sharfta badanina waa markaahti.

Kurbo iyo xanuun ma leh wuxuu, keenay eebbahaye
Kashiga iyo hammiga igaga jira, kabada uurkayga
Waxba yay i kululayn ilaah, wayga kaafiyine.

Ugu dambayn waxaan kula talinayaa kooxdaan iyo taageerayaasheeda in ay tawbad keenaan inta goori goor tahay, sidoo kale waxaan u baaqayaa kuwa u qareema ee qoraallada ku taageera, kuwa u gar naqa shiikha godka yaal ee dulmiga lagu dilay iyo dhagarqabihii dhiigiisa daadshay, waxaan leeyahay war is daba qabta oo ogaada waxaad ka laadlaaddaan haadaan.

Dareennada arlaa’iga ka iman, dil iyo laystaanta
Docdii laga yimaadaba fitnada, duul waliba sheegi
Dunidaa xumaataa leh oo, laguma diimaayo.

Sidoo kale waxaan u dardaarmayaa naftayda, culimada, asxaabta iyo bulsha waynta soo maaliyeed in aynu ku adkaysano xaqa oo aynaan quusan, isla markaasna aan ka shaqayno faafinta dacwadii saxda ahayd ee culimadeena loo dilay darteed iyo wax alla wixii maslaxad adduun iyo mid aakhiroba ah, waana inaynaan ku dagmin kuwa iska dhigay dhexdhexaadka laakiin u qareema dulmiilayaasha.

Madiixiyo gabaygaagu waa kaa, muraadsadaye
Macnihii dawacadii haddaad, igu madaarayso
Miidlaha wankiyo goortii ay, mariso reerkaaga
Ooy maqasha kaa layso bay, kuu mashxaradaaye.

Shiikh C/qaadir AUN waxaan bartay sanadku markuu ahaa 1986dii aniga oo ah kuray, markaas shiikhu waxa uu ahaa macallin akhriya kutubta, waxa uu ahaa daaci geesi ah, waxa uu ahaa aftahan hadalka ku deeqsiinaya, waxa uu ahaa ma daale aan marna caajisin, ay saas tahay shiikhu hal xabo oo cirro ah madaxa iyo garka midna kuma lahayn.

Nin shukriga ilaah iyo shahaadada, qiraan ahay
Nin Shuruudda tawxiidku ku, shihayso baan ahay
Nimaan Shaaricu siduu yiri, shakiyaynin baan ahay
Nin shafeecadii Nabiga shinsanaaya, baan ahay
Nin shabaab ahaantii shareecada, bartaan ahay
Nin shuuriyo ancaam iyo shuuraba, dhigtaan ahay
Nin sharribay tafaasiirta shuruuxdana, og baan ahay
Wixii shuhubo iyo ceeb ah nin, ka sheexayaan ahay

Waxaa iigu dambaysay AUN 5/Feb/2013kii oo ah 10 maalmood ka hor dilkiisii, waxa aan ku booqday gurigiisa, waxa uu ahaa shayb cirradu ay qarisay inta badan timaha jirkiisa ku yaalley, waxaa hayay xanuun uu la jiifay in muddo ah, waxaa ka muuqatay diif iyo tabar darro xanuunka awgiis, dhanka kale waxa uu ahaa mid aad u faraxsan, aniga oo la jooga ayaa waxaa loo sheegay in beel beelaha nugaal dega ka mid ahi leedahay shir, waxaa rag ardaydiisa ihi ka codsadeen in ay baadiye fog oo shirku ka dhacayo ay u kaxeeyaan si uu usoo wacdiyo beeshaas.

Runtii waxa aan la yaabay sidii uu durbaba u aqbalay dalbkoodii, waxa aan is iri war nimanku ma waalanyihiin, waxa aan iri sheekh tegi kari mayside hays dhibin, waxa uu yiri maya baabuur haddaad ii keentaan waan tegayaa tabari say doonto ha ahaatee hankiisii khayrku isma dhimin!!!.

Labadaa muddo ee kala fog ee aan kor ku soo sheegay intii u dhexaysay shiikha AUN waan aqaaney, mar sheekhaygii buu ahaa, mar waalidkey buu ahaa, mar walaalkay buu ahaa, marna saaxiibkey ayuu ahaa, khayr ayaan ku bartay, khayr asagoo ku jirana waa iigu dambaysay, asagoo Allaah hortaagana waa la dilay, Allaah waxaan uga baryayaa in uu ku abaal mariyo Al-firdaws Al-aclaa.

Shaqiga Shiikha diley, waa kuray macangag ah, waa jaahil dhoohane ah, waa safiih fitnada ku qaangaaray, waa sumad laawe aan taariikh lahayn, mar waxa uu shabbahaa maska ama abeesada, waayo labaduba qofka waa dilaan waxbana kama dheefaan dilkiisa oo ma aha sida dugaagga kale ee hilib quudatada ah, mar waxa uu la masaal yahay dhidarka, maxaayeelay dhidarku waxa uu ku soo baxaa tiro ari ah markaas ayuu kulli laayaa mid kaliyana waa ka cunaa, haddii la waraystay oo la yiri war qoor iyo xero ka dabaggaalleeye maxaad ariga u wada laysay adoo mid kaliya ka cunaya, waxaa uu ku jawaabay waxa aad arkaysaan waa kalgacal iyo xubbi aan ariga u qabo, balose waxay ka dhacday markii arigu aniga i arko ayuu didayaa markaas ayaan anna isu du’ leeyahay saa taan dharbaaxaaba waa bakhtidaa.

Kooxda wiilkaanu ku abtirsado soo lama oran karo waxa muslimka ay u laynayaan oo ay ka faa’iidayaan maxay tahay?, bal adba!!!!, marka ay dilaan shiikh, ganacsade ,oday, sarkaal iyo xataa xaawaley haddii la yiraahdo war dadkii dhamayse e waa sidee?, waxay ku tiraabayaan khayr baan la rabnaa, janno ayaan la doonaynaa!!!!, dawlad islaam ah ayaan u dhisaynaa!!!!, mar mar inkir bay isla soo taagayaan waxayna oranayaan Allaha u naxariisto, shahiid buu ahaa, xaashaaye anagu ma dilin iyo wax kale oo ka sii yaab badan, oo sawtaad shalay lahaydeen dastuur riddo ayuu ogolaaday, Mahiiga ayuu u duceeyay, tolkii ayuu taageeray, maamulka ayuu lacag u uruuriyay (Top Secret), mise afkiina iyo dhagihiinu isma maqlaan, waase gartood!!!.

Dab baad ololisaa kumana gubo, daayin abidkaaye
Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane
Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi!
Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu dambaabaynnin
Dambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynnin
War seeddow maxaad noogu digan, daqarku waa kiinne?
Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa jira’e?

Kuwii diley Cumar A.K.R.N, dulmiilayaashii diley Cusmaan A.K.R.N, Khawaarijtii Cali A.K.R.N inta dishey isugu hambalyeeyay, Xashaashiintii (Assasinates) diley Cimaaduddiin al-sinki, sidoo kale qaaddigii Asfahaan Cubaydullaahi Al-khadiib, qaaddigii Naysaabuur Qaaddi Axmed, iyo rag kale oo fara badan sida wasiirkii Maliku Al-shaah Al-saljuuqi, Al-amiir Marduud oo ay dileen Jimce salaadda kaddib waliba masjidka dhexdiisa ayay ku dileen, waxay kale oo ay dhawr jeer sigeen Salaaxuddiin Al-ayuubi, iyo kuwaan diley Dr.Axmed Xaaji, Sh.C/qaadir Nuur iyo Muslin kale oo farabadan kuna diley meel walba maxaan ku kala sooci karnaa?!!!!.(Bari cune soo bixi doonee).

Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.

4 Comments so far

Leave a comment

  1. as c jazaakallahu khary sheekh ilahay ajar iyo xasanaad haka siiyo kalmadahaga wanaagsan
    sheekhenina rabi haka raali noqdo oo alle ha u naxariisto
    sheekh c/qaadir nuur farax ilahay janatulfardaawsa aclla haku soo dhaweeyo rabi hooy ha uga dhiigo
    anigu nasiib ma u yeelan in aan noqdo ardaydii ka aflaxday ama wax ka bartay
    ilaahy dartii ayaan u jeclahay sheekh c/qaadir nuur farax asaga iyo sheekh dr axmed xaaji c/raxmaan ilaahy haka wada raali noqdo
    xitaa marka aan geeri dooda maqlay aad ayaan u shalaaye in aan xata la kulmi lahaa wan ka qomameeyayilaahy dartiis aan u jeclahay waxan ku hamiyey ala hadii aad la kulmi lahad adiga oo cilmu dalib ah soo kama samirteen
    ialahy ha u naxariisto
    gaaridu waa xaq oo kama xumi lakain waa iga go ii waysay sida xun ee loo dilay ayada oo laska dhigayo in diin lagu dilayo balse aay baadil ku dileen alle ha dille kuwas
    as c

  2. Scww

    Walaal sheekha Allaha barakeeyo, Gabayada uu soo qorona waa gabayo can ah oo badanaa la yaqaan, waxaana leh, Cismaan Yusuf inta badan, qaar Dhoodaan, Raage ugaas, Aadan Carab, Faarax Arab, Cali Cilmi Afyare, Aw-Muuse iyo rag kale.

    Marka uma baahna sheegis, sida ay ila tahay waana la ogol yahay tix baa sidaa tiri gabyaabaa yiri I.W.M ah.

    Calaa kullin shiikhu waa adiib Allaha barakeeyo

    Guuguu

  3. asc
    jazaakalaahu khayra shiikh fu,aad waad asiibtay dadkaan dulmiga ku heshiiyayna ilaahay hasoo hanuuniyo haduusan hanuun u qornayna ilaahay dadka ha dhaafiyo waxaa intaas aan ku dari lahaa waxaa la yaableh dulmiga ay wadaan kuwa ugu waaweyn ee intii hawshaas ay bilaabtay wuusan cunug ay dhaleen is qarxin caruurtii kalena dhameeyay say qarax ugu xirayeeen
    mida kale caruurtaan wax qarxinaysa oo wax dilaysa hala ogaado in ay dil ka baqayaan laftoodu oo balo kale oo ayaga daba taagan oo dilaysa ay jiraan laakiin marna sina suura gal kuma ahan in qof naftiisa la baqayaa uu qofkale sii sahaydo oo wax sharciga ku banaan maahan xataa ikraaha meel kama soo gasho laakiin arintaan caruurtu ku baaba,day dadkiina ay ku baabi,yeen waa in xal loo raadshaa lana dhahaa qofkii isi soo dhiiba amaankiisa waa la sugayaa baladaan asaga cayrsanaysana waa laga badbaadinayaa waxaan maqli jiray riti riti wado iyo nin naagi wado midna kaama leexdo maanta waxaa kusoo darmatay iyo cunug shuwaykh soo borogaraamiyay midna kaama leexdo
    mahadsanidiin

  4. Xigmadda iyo garashadda allaha kuu kordhiyo qoraalladda hufan ee aad nala wadaagto. Waxanse yara jecleystay inaan ku weydiiyo,Gobayadan aad ku hal qabsato, ma adigaa curiya mise dadkale ayaad ka soo xigatay? Haddii dadkale curiyeen soo ma mudna in magacooda la xuso?

Leave a comment

*