Sheega shooyinka Al-shabaab iyo Ficilkooda is khilaafsan W/Q C/raxmaan Aw Ciise Muuse
March 10, 2013 - Written byUrurka Al-shabaab wuxuu horay umadda soomaaliyeed ugu sheegay in ay diinta ilaahay u gar gaarayaan oo ku dhaqankii shareecada soo celinayaan, taasoo dad badani run moodeen, soona dhoweeyeen, maadaamaa dadka soomaaliyeed yihiin dadm muslim ah oo diin jecel, hase ahaatee nin waliba wixii uu cuno ayuu daacaye ururku wixii uu dadka u sheegay dhalin yaro bandanna ku hawl geliyey run waa noqon wayday, wuxuuna la soo baxay wixii uu qarsanayey ee uu ku taamayey maalin uun inuu gaaro, waxayna lasoo baxeen tabahakan.
- Waxay sabab u noqdeen in dalka cidamo shisheeye soo galaan, misna ay difaaci waayaan fariisin walbana ay ka cararaan markii Amisom ku soo dhowaato.
- Waxay been ka sheegeen jihaadkii iyo ujeeddooyinkii loo tashriiciyey.
- Waxay dil iyo qarax ku bilaabeen umaddii muslimka ahayd ee la rabay in ay difaacaan iyagoo maalinba bulshada marba qayb laynayey ugu dammayntiina laayey Culumadii ugu mudnayd waddanka, halkii ay ahayd in ay gaalada la dagaalamaan sidii ay markii horeba innoo sheegeen.
- Waxay masaajidda ka dhigeen meel laga cabsado oo jamaacaadkii la imaan waayo.
- Waxaa mar walba daliil iyo xujo u ah handadaad, caga juglayn iyo waan ku dilaynaa markii ay xujo diimeed waayeen, waana sida lagu yaqaan dadka ahlul baadilka ah.
Isu fiiri sheegashadoodii hore iyo ficillada ay samaynayaan mays leeyihiin mise way is khilaaf san yihiin? Qofku wax wanaagsan wuu sheegan karaa laakiin qofna ficilkiisa urumeeya qofna ficilkiisa beeniya, dhegeyso markay warbaahinta ka hadlayaan hadalkoodu fiicanaa!! Diintaan difaacaynaa, islaamkaan u hiilinaynaa, shareecadaan dalka ku dhaqaynaa.
Ficilkoodana fiiri: muslimka oo la dilo, la qarxiyo, diinta oo been laga sheego iyo masaajidda oo muslimka laga cayriyo, akhristow is waafaji adigu.
Halkaan ka akhriso sheegashooyinkii Ururka Al-Shabaab
W/Q: C/raxmaan Aw Ciise Muuse