Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Nolol iyo Geeri W/Q Sh Xassan Maxamed Ibrahim
March 4, 2013 - Written by
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax alle ha u naxariistee intii uu noolaa dadaal badan ayuu galiyay caddeynta iyo faafinta manhajka Ahlusunnaha ( assalaf assaalix) sida lagu yaqaanayna aqoon xeel dheer ayuu u lahaa manhajkaas iyo manaahijta ka soo horjeedda ee qalloocsanba, wuxuuna caan ku ahaa inaanu la gabbanin faafinta iyo caddeynta caqiidada toosan iyo fahanka ku qotomah habkii ay salafku u fahmeen nusuusta kitaabka iyo sunnaha.
Sheekhu alle ha u naxariistee wuxuu manhajkaas faafintiisa u dhabar adeygay iyada oo ay waddanka ka jirto dowlad xoog badan oo si adag ula dagaalameysay dacwada islaamiga ah xilligii kacaanku dadka ku qasbayay hantiwadaagga, wuxuuna sheekhu – alle ha u naxariistee – nooga sheekeeyay in dhowr jeer loo keenay warqad lagu amrayo in uu joojiyo darsigii uu ka akhriyi jiray masjidka Ceel hindi oo sida la ogyahay dad badani ka aflaxeen ilaahay fadligiis.
Sheekhu alle ha u naxariistee wuxuu noo sheegay in warqadahaasi ayna marna ku kalifin inuu duruusta joojiyo xataa hal habeen kaliya ee uu warqadda loo keenay jeebka iska gashanayay habeenka danbena darsiga sii wadanayay isaga oo ku soo talo galaya in ay askari masjidka ugu imaan karto xabsigana loo taxaabi karo, sheekhu – alle ha u naxariistee- wuxuu noo sheegay inuu ku talo galayay in haddii uu darsiga joojiyo ay adkaan doonto in uu dib u billaabo, sidoo kale ay dowladdu tallaabadaas uga faa’iideysan doonto in ay duruusta masaajidda kale ka socota oo dhan joojiso, haddii hal tijaabo u meel marto.
Sheekhu alle ha u naxariistee qaarado badan ayuu u maray faafinta manhajkii uu xanbaarsanaa , wuxuuna macallin iyo sheekhba u noqday culimo iyo ducaad badan oo maanta soomaalida dhexdeeda caan ka ah, oo uu ku soo anqariyay mahankaas saxan ee ku qotoma fahankii salafka, dad badan ayuuna sabab ugu ahaa in ay ka soo noqdaan manaahijta lunsan sida: khuraafaadka, ku xad gudubka awliyada, baryada qubuuraha iyo takfiirka.
Qof kasta oo u taariikhaynaya dacwada islaamiga ah ee casriganna qasab bay ku tahay inuu is dultaago raadka lama illaawaanka ah ee sheekhu ku yeeshay geeddi socodkii dacwada salafiga ah iyo sida uu uga hortagay manaahijtii gurracnaa ee mararka qaar halista galiyay dacwadii saxda aheyd.
Sheekha waxaa sharaf u ah – alle ha u naxariistee- inuu ka mid ahaa raggii dhidbay tiirarka ay ku taagantahay dacwada salafiga ah ee maanta ilaahay soomaali ku badbaadiyay meel ay joogtaba, sidoo kale waxaa sharaf ugu filan in dacwada maanta shanta qaaradoodba saameysay ay tahay midhe ka dhashay dadaalkii ay bixiyeen rag uu sheekhu ka mid ahaa, ilaahayna waxaan uga baryeynaa inuu camalkoodii ka aqbalo kana baal mariyo.
Sheekhu sida uu ugu taagnaa caddeynta manhajkii uu xanbaarsanaa intii uu noolaa ee uu sababta ugu ahaa in khalaa’iq badani ku soo hanuunaan dacwadiisii,haddna sidoo kale waxaa ilaahay ku sharfay in geeridiisiina noqoto sabab dad badani ku soo hanuunaan oo ay kaga soo hadhaan manaahijtii qalloocsaneyd ee uu ka digi jiray intii uu noolaa.
Dad badan oo horay u fahmi waayay khatarta kooxda shabaab ee ay culamada sheekhu ka midka ahaa ka digayeen, ayaa maanta yaqiinsaday in culimadu ay ka hadlayeen xaqiiqo ay aqoon u lahaayeen ee ayna cid necbeysi ka aheyn, oo ogaaday in culimdu ka aragti dheertahay oo maanta dib u billaabay in ay dhageystaan duruustii iyo muxaadaraadkii sheekha iyo culimada la midka ah ee markii hore lagu diray!.
Dad badan oo ku dhago la’aa fikirka shabaab ee lunsan ayaa dilka sheekhu indhaha iyo dhagahaba u furay oo ogaaday in ay qayb ka ahaayeen mashruuc lagula dagaalamyo diinta islaamka iyo culimadii xanbaarsaneyd, iyada oo markii hore laga dhaadhiciyay in islaamka loo hiilinayo culimadana la difaacayo.
Habkii foosha xumaa ee cadownimada ka muuqatay ee sheekha loo dilay ee aan masjidka, salaadda casara.jimcaha. iyo caalimka da’da ah midna ixtiraamin, dad badan ayaa ku miyirsaday oo ogaaday in ay dad habowsan daba socdeen, oo maanta meel walba ka soo hadlaya iyaga oo ka towbad keenaya taageeradii ay kooxda al shabaab horay u siin jireen.
Gacan ku dhiiglaha sheekha dilay ee la qabtay isaga oo faldanbiyeedkii gacanta kula jira ee qirtay horayna loogu ogaa inuu xubin ka ahaa kooxda shabaab dad badan ayuu indhaha u furay oo si qayaxan u arkay ujeedada dhabta ah ee kooxdaasi ka shaqeyneyso, waxaana arrintan ku soo afjarmay been ay taageerayaasha ururkaasi caadeysteen oo aheyd in cidda culimada dilaysa ay tahay qolo kale iyagana lagu been abuuranayo, waxaana ummad badan u caddaatay in shaqada kooxda al shabaab ay hayso ay tahay shaqadii ashahaado la dirirka.
Sidoo kale dad badan oo moodayay in sheekha iyo culimada la midka ah ee la laynayo ay shabaab la manhaj yihiin oo rumeystay dicaayadaha lagu furay culimada xanbaarsan manhajkii salafka ayaa iyaguna wax ku fahmay geerida sheekha oo garwaaqsaday in faraq weyn u dhexeeyo kuwa masaajidda wax ku dhex dilaya iyo culimada ay dilayaan oo ayna isku fahan iyo manhaj midna aheyn.
Xaajo ugubna ma aha in manaahijtu ka faa’iideysato oo ay ku sii faafto dhiigga dadkii xanbaarsanaa sida ku xusan qisada quraanku inoo sheegay ee أصحاب الأخدود dadka faraha badan ee dabka lagu gurayay ee suuradda buruuj lagaga sheekeeyay waxaa sabab u ahaa wiil yar oo islaamay oo la isku dayay in la dilo ka dib markii laga quustayna yidhi si aad ii dishaan waxaad dhahdaan بسم الله رب الغلام markii bisinka loo qabtay ee la dilay ayey dadkii dheheen rabbiga wiilkaas yar ayaan rumaynay, arrintaasina waxay xaqiijisay hadafkii uu wiilka la dilay u socday ee ahaa in diinta uu aaminsanyahay ay faafto.
Alle ha u naxariisto sheekh C/qaadir jannadiisana ha geeyo intii uu noolaa kaalin weyn oo mug leh ayuu ka qaatay faafinta manhajka salafka saalixa ah geeridiisuna waxay noqotay fursad manhajkaasi ku sii faafo oo ay ku baab’aan dicaayadihii raqiiska ahaa ee laga sameeyay.
Sh Xassan Maxamed Ibrahim
Abu Xassaan,Halgan.net,

.gif)

